XOG DANABAYSAN: Maraykanka oo Somalia ka hirgeliyay QORSHE UGUB ah!

0

(Washington, DC) 19 Okt 2019 – Maraykanka ayaa bilaabaya qorshe cusub oo uu ku xoojinayo amaanka saldhigyada ciidan ee uu ku leeyahay Somalia, kaddib weerarkii ay Shabaabku ku qaadeen Bali-doogle, dabayaaqadii bishii hore.

Sida uu qorayo Indian Ocean Newsletter, Ciidamada Maraykanka ayaa bilaabay qorshe ay ku xiriirinayaan internet-ka saldhigga Balli-doogle ee Shabeellaha Hoose iyo saldhigga Camp Lemonnier ee uu ku leeyahay Djibouti, si ay deg deg ugu dalbadaan wixii ay u baahdaan sida gurmad.

Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegtay in ay mashruucan oo qandaraas lagu siiyay sharikaad gaar ah ay ku baxayso $12 milyan oo doollar.

Al-Shabaab ayaa weerar ay ku jabeen goobtaa ku qaaday 30-kii Sebtembar, kaddib markii ay la xaaleen ciidamada Maraykanka iyo Komaandooska Somalia ee Danab oo saldhigga wada jooga.

Hal askari oo ka tirsan Navy Seal ayaa ku dhaawacmay sida uu Maraykanku sheegtay.

Bishii Jannaayo ayay ahayd markii uu warqaadka Foreign Policy qoray inuu Maraykanu dejiyay qorshe uu ku dhisayo jid isku xiri doona Balli-doogle iyo Cam Lemonnier si loo sahlo sahayda u kala socota labada saldhig.

Maraykanka ayaa saldhigyo kale ku leh Muqdisho iyo Kismaayo, balse si rasmi ah looma shaaciyo xogohooda.

Hadalsame Media