Jidkii saxda ahaa ayaan ku joognaa haddii laga doodayo ”Yaa taallo mudan” ee aan laga dooday ”taallo la fuqsaday!”

0

(Hadalsame) 19 Okt 2019 – Waa wax fiican runtiii in Taallooyinkii Halgamayaashii dalka dib loo soo celiyo dib na loo dayactiro, Dawladduna waa ku ammaanan tahay in hawshaas culus deg deg ah ku gebegabaysay inkasta oo deg deggu xumayn karo tayada taallooyinka.

Waxaanse la inkiri karin in Soomaalidu aysan isku aragti la ahayn “Halgamayaashii”. Tusaale ahaan Halgankii Maxamed Cabdulle Xasan Soomaalidu aad bay ugu kala qaybsan tahay, dad badan ayaa weli ay baaqi ku tahay dhibaatooyinkii ciidankiisi u gaysteen shacab Soomaaliyeed. Waxaana su’aal wayn saaran tahay Maxamed Cabdulle Xasan muxuu u halgamay?

Ma dhisidda dawlad Soomaaliyeed oo xor ah? Mise maamul koox-diimeed? Gabayadiisi ayaa madmadow badan gelinaya in uu dawladnimo Soomaaliyeed u halgamayay. Dad badan ayaa qaba in halgankii Maxamed Cabdulle la mid ahaa kan maanta Shabaabku wadaan.

Waxaase xaqiiqo in halgankiisi uu saamayn wayn ku lahaa halgannadii dalka ka curtay 20 sano geeridiisi kaddib gaar ahaan Halgankii SYL. Si kastaba ha ahaatee la ma dafiri karo In Maxamed Cabdulle Xasan yahay ahaana doono xubin culus oo ku jira sooyaalka halgannada Soomaalida.

Taasi waxa ay siinaysaa in dadka aamminsan halgankiisi ay taallooyin u dhisaan laakiin marnaba ma noqon karo sheekada ay ku dhisan tahay dawladnimasa Soomaalidu.

Marka aan leeyahay “SHEEKADA” waxaan u la jeedaa ummad walba si dawlad sal adag u dhistaan waxa ay u baahan yihiin sheeko ay dawladnimadoodu ku abuuranto waana midda Soomaali ahaan naga maqan, waayo ma lihin hak sheeko oo aan ku midaysannahay taas oo saldhig u ah dawladnimadeenna.

Halgankii SYL waxa uu ahaa sheeko saldhig u ahayd dawladnimadeenni ka hor 1969 balse waxaa baabi’iyay maamulka millateriga ee Maxamed Siyaad Barre ku na beddalay taallooyinka maanta dib loo dayactiray balse kuwa Maxamed Siyaad intooda badan muran badan ayaa ka jira run ahaantooda ama se saamayntooda waana taas maanta meel walba muranku ka taagan yahay.

Waxa ay u muuqataa in Halgamayaashii dawladnimadeenna casriga la iska hilmaamay oo aan hal mid oo ka mid ah la siin maamuuskii ay mudnaayeen.

Hadda waxa ay ku dhowdahay in reer walba halgamihii beeshooda ahaa ugu magacdaraan goobo caan ah sida garoommo kubbadeed iyo garoonno diyaaradeed, sida Cabdullaahi Ciise.

Waxa la yaabka lihi waa in Cabdirashiid Cali Sharma’arke aan hal iskool loogu magacdarin halka Cabdullaahi Yuusuf garoon diyaaradeed loogu magacdaray. In Cabdullaahi Ciise iyo Aadan Cabdulle aan hal taallo loo dhisin.

Waxaan se anigu arkaa in aan maanta ku joogno jidkii saxda ahaa haddii aan ka doodaynno “yaa mudan in taallo loo dhiso?” Ee aynnaan ka doodayn “taallo la fuqsaday”.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media