Itoobiya oo uu kasoo socdo Maamul-goboleed kale oo hor leh (Afti loo qabanayo)

0

(Sidama) 19 Okt 2019 – Aftidii aadka loo sugayay ee laga qaadi lahaa qoomiyadda Sidaamada ee Koonfurta Itoobiya ayaa dib loo dhigay, sida ay sheegtay Wakaaladda FANA.

Aftidan oo lagu wadey in Arbaco 13-ka Nofeembar la qabto ayaa haataan horay loo riixay ilaa muddo todobaad ah, iyadoo loo muddeeyay Nofeembar 20.

Dadka ayaa u codayn doona in gobolka Sidaamadu uu noqdo Maamul-goboleed iskii u taagan, isagoo 10 ku noqonaya 9-ka maamul ee haatan ka dhisan Itoobiya oo ay midkood ka tirsan yihiin.

Maamul-goboleedyada Federaalka ah ee Itoobiya ayaa ku naallooda xuquuqo is maamul hoosaad sida inay isticmaalaan luuqadohooda, awoodo xadidanna ay ku leeyihiin dhinacyada canshuuraha maxalliga ah, waxbarashada, caafimaadka iyo dhul bixinta.Q

Qoowmiyadda Sidaamada oo abnaq ahaan kasoo jeeda dadka Kushitigga ah ee ay Soomaalida iyo Oromadu ka mid yihiin ayaa haatan ka tirsan Maamul-goboleedka Quruumaha Koonfureed ee SNNPR.

Hadalsame Media