Halgamaa kasta MALAA’IG ma ahayn balse….

0

(Hadalsame) 19 Okt 2019 – Kuwani waa qaar ka mid ah dadka aduunyada ugu caansan hadana ceebo ama gafaf ayaa taariikhdu heshay in ay ka dheceen.

1. Mahatma Ghandi: Geesi hadallo jacayl bulsho iyo nabad jeediyay; aabihi gobonimo u dirirka Hindiya ee ka saaray Ingiriiska, nin erayadiisa taariikhdu ku tilmaantay wanaag dunidoo idil.

Hadaba Ghandi mar kasta kuma dhaqmi jirin waxa uu dadka u sheego, gaar ahaana dhanka zinada. Mar walba dadka guursaday waxa uu u sheegi jiray in ay biyo qabow ku qubeystaan hadii ay is celin kari waayaan (dareenku ku bato), isaguse waxa uu xariir arrintaas ah la lahaa dhaqtar kiisa Sushila Nayar sanado badan.

2. Winston Churchill: Mid ka mid ah dadka ugu caansan looguna jecelyahay Ingiriiska, RW hore & taliye ciidan. Hogaankiisii dagaalkii 2aad ee duniduna keenay guul.

Churchill si ku tala gal ah ayuu cuntadii uga soo weeciyay Bangladesh oo markaa Hindiya ka tirsaneed si uu uga quudiyo reer yurubkii xulufada kula ahaa dagaalkii 2aad ee ‘dunida’ isagoo waliba diiday cunto ay usoo diri lahaayeen Maraykanka & Kanada. Sidaas waxaa baahi ugu dhintay dad lagu qiyaaso 3 malyuun oo qof.

3. Abraham Lincoln: Waa madaxweynihii 16aad ee Maraykanka. Waxa uu ku caan baxay nidaamkii dhamaynta adoonsiga.

Hase ahaatee qoraa lagu magacaabo Lerone Bennett Jr. waxa uu ku dooday in Lincoln ahaa runtii cunsuri dadka midab takoora, kaasoo si joogta ah ugu yeeri jiray Madowga Maraykanka erayo afla-gaado ah, joojinta adoonsigana aan si dhab ah u rabin balse ka lahaa danta midnimada xisbigiisa.

4. Martin Luther King: Wasiir hore (diinta) ee Maraykanka, u dhaq-dhaqaaqe bulsho, cod kar aan aduunku hore u arag , mid ka mid ah dadka loogu qadarinta badanyahay dunida.

Sidaas oo ay tahay Dr. king waxaa la sheegaa in uu xaday qoraallada qeybo ka mid ah buugiisii qalin jabinta ee PhD da. Qoraa lagu magacaabo Lyndon B. Johnson na waxa uu ugu yeeray Martin Luther King in uu yahay munaafaq waxa uu sheego aan ku dhaqmin.

Hadaba dadka geesiyaasha waa binu-aadam inta ay noolyihiin waxna ka qaldamaan wax badanina u toosaan, bulshooyinka caalamku intaas badan oo u toostay ayay ku tixgaliyaan geesiyadooda sidaasna uga dhisaan taalooyin aadna u qadariyaan.

Waxaan arkaayay dad badan oo siyaabo kala duwan uga falceliay taalooyinkii Madaxweynuhu shalay dib ugu rakibay halkoodii hore. Waxaan dhihi lahaa wax galkeena aan xoojino inta badan ee taariikhdooda ah ee wanaagsan halkii aan ka raadin lahayn ceebo ama iino yaryar oo ay leeyihiin ama aan ku mashquuli lahayn heybtooda IWM.

ARAG MIDKAN – Sawirkan hoose waa maamuus ay dowladda Britain u sameeysay Richard Corfield (Koofil) oo ku yaalla Degmada Heanor, Derbyshire. Waxay dabcan dowladdiisu wax ka eegaysaa wixii uu daneheeda qaran ka qabtay oo iyaga waa u halgamaa, haba khaldanaadeen marka wax laga eego dhanka kale oo ah Soomaalidii uu gumaysiga u aadey.

Waxaa Qoray: Maxamed A. Geeddi

Hadalsame Media