Ciidamada AMISOM oo ka faa’iidaysanaya tillaabo aan Baarlamanka la marsiin oo uu Trump ugu tala galay Somalia

0

(Washington, DC) 19 Okt 2019 – Ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM ayaa qayb libaax ka heli doona miisaaniyad uu Donald Trump ugu tala galay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Sida ku qoran Indian Ocean Newsletter, Trump ayaa Burundi saami wayn uga qoondeeyay $25milyan oo doollar oo uu ugu qoondeeyay ciidamada Afrika, waloow aan la sheegin inta ay la’eg tahay boqolleeyda ay ku leeyihiin.

Trump ayaa lacagtan u qoray AMISOM isagoo aan marin labada aqal ee Baarlamanka, waxaana sidoo kale ka ducayn doona Ciidamada Uganda (UPDF) ee AMISOM oo la sheegay inaysan mushahar toos ah qaadan tan iyo Janaayo 2019.

Midowga Afrika oo bixiya qayb ka mid ah kharashka AMISOM ayaa bishii Febraayo 2016 wuxuu jaray 20% ka mid ah lacagtaasi, kaddib markii ay gobolka Maqrib kasoo baxday kooxda Al Qaacida.

Hadalsame Media