Shacabka Falastiin oo aad u SALUUGEY tillaabo uu qaaday Xulka Qaranka Sucuudigu (Arag fal-celinta shacabka)

0

(Quddus) 16 Okt 2019 – Xulka qaranka Saudi Arabia ayaa markii ugu horreeysey Daanta Galbeed ee la haysto kula ciyaaray xulka Falastiin, taasoo jebisey xeerkii u degsanaa xulalka Carbeed iyo kuwa Muslimka ah.

Dalalka Muslimka ah ayaa caadiyan iska jira inay Falastiin gurigeeda kula dheelaan, iyagoo taa biddaalkeeda kula ciyaara dal 3-aad, si ay uga fursadaan inay Israel ogolaansho waydiistaan, taasoo loo baahan yahay maadaama ay iyadu dusha ka maamusho dhulalka Falastiin.

Ciyaartan oo shalay ka dhacday gegada Faisal al-Husseini Stadium, kuna tirsanayd isreebreebyada KA2022 iyo Koobka Qaramada Aasiya ee 2023 ayaa 0-0 ku dhamaatay, waxayna ku qabsoontay magaalada al-Ram, oo dhacda bariga Quddusta la haysto.

Sucuudiga ayaa sheegay inay tillaabadan u qaadeen kaddib markii ay sidaa ka codsadee xiriirka kubadda cagta Falastiin iyo maamulka Falastiin (PA).

”SOO QAATA CALAMADA YAMAN!”

CAMBAARAYN – Yeelkeede, gayfanayaasha iyo shacbiga reer Falastiin ayaa aad u cambaareeyay Sucuudiga oo ay ku eedeeyeen inay qaddiyadda Falastiin dhulka ugu jiidayaan ”sidii ay Israel xiriir ula yeelan lahaayeen”, iyagoo soo qaatay in hadda kahor uu Sucuudigu diidey inuu Falastiin yimaado 2015.

Waxay sheegeen in ay tani qayb ka tahay olole ay wadaan dalalka UAE, Bahrain, Oman, Qatar iyo kuwo kale, iyagoo doonaya inay iska dhex boodaan heshiis lagu tilmaamay ”heshiiskii qarniga” oo ay wataan Maraykanka iyo Israel, kaasoo lagu doonayo in dalalka Khaliijku ay shuruud la’aan ula heshiiyaan Israel, kaddibna Iiraan iyo dalal kale oo Muslim ah lagu jiheeyo, iyadoo laga faa’iidaysanayo coodka ay hayaan ee bilaa cindiga ah.

Sucuudiga oo Israel ogolaansho waydiistey ayaa xitaa Isniintii booqday masjidka Al Aqsaa iyadoo ay ilaalinayaan ciidamada Yuhuuddu, taasoo ay ka dibed bexeen Falastiiniyiinta oo qaar badan laga xirxirey.


Hadalsame Media