MUCAARADKU GOORMA AYAY IS JECLAADEEN?! (Arag caddayntan)

0

(Hadalsame) 16 Okt 2019 – Haddii aan dib ugu laabano Doorashadii uu ku soo baxay Madaxweyne Farmaajo, yaa siiyey Codadkii tirada badnaa ee Xasan Shiikh Xilka Madaxweynimada ku waayey.

Xasan Shiikh Wuxuu haystey Wareega Hore 88 Cod
Farmaajo wuxuu hasytey Wareegii Hore 72 Cod ka dib maxaa dhacay.

Mucaaradka Maanta, Shaley waa is diidanaayeen ee maanta maxaa mideeyey?

Waxay hilmaameen Xasan Shiikha ay Maanta jecel yiihiin in ay Shaley ahaayeen kuwii Xididada u siibey in mar kale Madaxweyne noqdo. Arag tusaalahan cad:

Shiikh Shariif Wuxuu heley 49 Cod, wuxuu siyey Farmaajo wuxuu u diidey Xasan Shiikh.
Cabduqaadir Cosoble wuxuu heley 25 Cod wuxuu siiyey Farmaajo isagoo u diidey Xasan Shiikh.
Saciid Dani Wuxuu heley 18 Cod wuxuu siiyey Farmaajo isagoo u diidey Xasan Shiikh.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu heley 9 Cod wuxuu siiyey Farmaajo wuxuu u diidey Xasan Shiikh.

Shacabka waxay la yaaban yihiin ragii shaley is diidanaa sidee maanta isku ogolaadeen oo ay isku aamineen Taariikdu waa Xoghayn edeb badan.

Mucaaradka Soomaalida ayaa inta badan diiradda saara la collaytanka qofkii hadba xilka haya oo ay u midoobaan, iyagoo kaddib dhexdooda is qabsada marka uu meesha ka boxo, taasoo fogaysa xalka dalka.

Waxaa Qoray: Amiin Y Khasaaro

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media