DAMAC: Wuxuu isagoo faraxsan isku sawiray MAYDKA ayeeydii! (Muxuu rabey maxaase ka raacay?!)

0

(Hadalsame) 16 Okt 2019 – Steve waa nin u dhashay waddanka Mareykanka, waxa uu baraha ay bulshada isticmaasho ku faafiyay sawir murugo leh oo ay ku wehliso Ayeeyadiis oo Meyd ah, isaga oo markaasi ku faraxsan inuu dhaxli doono lacag ay Akoonkeeda kaga tegtay taasi oo cadadkeedu yahay 900,000$.

Nasiib wanaag farxaddii Steve muddo badan ma sii jirin sababtoo ah waxa uu aaskii Ayeeyadiis kadib ogaaday in guud ahaan lacagtaasi ay goor hore bixisay oo ay ugu tabarrucday urur ka shaqeeyo arrimaha Bani Aadinimada iyo kaalmada dadka saboolka ama faqriga ah ee ku nool dunida dacalladeeda.

Dhacdada ugu qosolka iyo yaabka badan ee uu Steve la kulmay ayaa waxa ay tahay inuu qolka dhexdiisa ka helay warqad ay u qortay Ayeeyadiis ka hor inta aysan geeriyoonin waxa ayna farriinteeda ku billaawday –

Eeygayga yar Steve – waxaan kaaga tegay usha la cugsado ee Awoowgaa uu lahaa iyo Ilkahayga macmalka ah ee ku jira qasnaddayda, waxaan rajeeynayaa in labada lugood ay kaa go’aan Ilkahana ay kaa daataan ama kaa dhacaan si aad uga faa’idaysato qalabkaas, hadda la wareeg alaabtaas muhiimka ah inta aysan kuu imaanin reerka cusub ee aan guriga siiyay.

Si kastaba dulucda sheekada ku jirta waxa ay tahay inaad waalidka iyo dadka aad kasbato una naxariisato inta uu ifka ku nool yahay qofka iyo in aadan marnaba ku tashan wax aan jeebkaaga ku jirin.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Diyaarintii: Abdiqani Gaarane Barre (Dufle)

Hadalsame Media

 

Facebook Comments