Ciidamo baaris bilaa barwo ah ku sameeyay xarunta RTN TV ee Garoowe (Daawo warka lagu haysto)

0

(Garoowe) 16 Okt 2019 – TV-ga RTN ayaa sheegay in shalay saacaddu markii ay ahayd 9.30am subaxnimo ay saraakiisha heer gobol ee CID-da kuwaasoo uu hoggaaminayay Axmed Cadaawe ay soo galeen xarun wareedka TV-ga ee Garoowe, iyagoo kaddib handadaad ku bilaabay weriyeyaashii, sida ay sheegayaan 2 weriye oo la hadlay SJS.

Askartan ayaa la sheegayaa inay baadi goobayeen weriye la yiraahdo Cabdiqani Axmed Moxamed, kaasoo vox-pop ay shacabka Garoowe aragtidooda kaga dhiibanayeen kasoo qabtay jidadka magaalada, iyadoo la arkayay dadwaynaha oo saluugaya wixii Kismaayo ka dhacay iyo ka qaybgalka madaxwaynaha maamulka Puntland intaba, iyagoo sidoo kale taageeray DF Somalia oo ay sheegeen in iyada looga dambeeyo umuuraha dalka. Halkan ka daawo warka lagu haysto.

Tifaftiraha xarunta RTN TV ee Garoowe, Cabdiqani Cismaan Faarax, ayaa sheegay inay askartu markii dambe goobta ka tageen iyagoo aan soo bandhigin wax barwo ah oo u jaran si ay xarunta u baaraan iyo sababta loo baarayo intaba.

Xarunta wayn ee RTN TV oo ah Nairobi ayaa sheegtay Cabdiqani Axmed Moxamed, taasoo ay ku tilmaameen mid ka dhan ah xorriyadda hadalka, maadaama aanu weriyuhu wax khalad ah ku kicin.

Weriyaha ayay sheegeen inuu haatan dhuumaalaysanayo, iyadoo kaliya lagu haysto inuu shacabka fikirkooda soo bandhigay.

Maamullada qaar ayaa haatan u xuubsiinaya nidaam dadka lagu cabburiyo, iyadoo ay jiraan weriyeyaal iyo ashkhaas sharci darro ugu xiran gobollada dalka.

DF Somalia ayaa loogu baaqay inay arrimahan wax ka qabato.

Hadalsame Media