SULE YUKSEL: Gabadhii dib usoo noolaysay XIJAAB xirashada Turkiga!

0

(Hadalsame) 15 Okt 2019 – Shucla (Şule Yüksel, waxa ay ahayd qoraa turki ah, sidoo kale waxay ahayd qof ku dhiirigalisa dumarka turkiga xidhashada xijaabka. Waxaa dalka turkiga looga yaqaanaa “gabadhii codka haweenka muslimka ee Turkiga” iyo “gabadhii ka adkaatay nidaamka cilmaaniga (secularka) ee Turkiga”.

Labadaas magac waxay ku mutaysatay iyadoo ahayd laga soo billaabo Sannadkii 1960-kii illaa Sannadkan 2019-ka mid aad u taageerta xidhashada xijaabka. Dedaal ay 10 sano ugu jirtay dhiirigalinta xidhashada xijaabka (1960-1970) ayaa waxaa laga dareemay isbeddal waddooyinka turkiga, waa markii uu kuu dhawaaqay Cevdet sunay (madaxweynihii Turkiga) sannadkii 1971-kii in aan jidadka Turkiga lagu arki karin qof dumar ah oo madaxa maro u saarantahay!.

Go’aankaas wuxuu saameeyay dedaalki Shucla. Waxay cadaadis kala kulantay dowladi xilligaas, ugu dambayn xabsi ayaa loo taxaabay oo ay 8 bil ku xidhnayd. Markii laga soo daayay xabsiga halkii ayeey shaqadeedi kasii wadday, illaa markii dambe dumarka turkiga ee qaabkeeda oo kale u labbista loo bixiyay magaca micnihiisu yahay kuwii shucla madaxeeda oo kale lahaa (Şulebaş).

Markii ay dowladi waddooyinki ka mamnuuci wayday ayeey soo saartay go’aan kale oo ah (waayahay e, yaan jaamacadaha iyo xarumaha dowlada un lala iman).

Ugu dambayn bishii Agoosto 28-kedii sannadkan 2019-ka ayey shucla geeriyootay (Alle ha u naxariisto e) waxa ay ka tagtay dunida turkiga oo haweenka ku nool 60% ay xijaabanyihiin. Waxa ay qabrigeeda u hoyatay iyadoo aan laga wada hadlayn gabadh xijaaban waddooyinka turkiga ma mari kartaa iyo jaamacad ma iman kartaa ee ay gabadh xijaaban madaxtooyada turkiga dhex joogto waa marwada Madaxweyne Erdogan.

Sidaas ayeey ku noqotay “gabadhii codka haweenka muslimka ee turkiga” iyo “gabadhii ka adkaatay nidaamkii cilmaaniga secularka ee turkiga”.

Taariikhda ayaa warin doonta shucla iyo halkii ay isla mareen nidaamki madaxa adkaa ee Turkiga.

Diyaarinta: Khaalid Axmed Cali

Hadalsame Media