Shacabka oo ka cabanaya arrin lagu tilmaamay ”dhaqaale burburin” oo uu sameeyo maamulka Puntland

0

(Garoowe) 15 Okt 2019 – Waxaa laga soo dejiyaa dekedda, waxaa lagu cashuuraa jidadka (road taxation) waxaa lagu cashuuraa dukaamada cashuuraha berriga.

Halkaas waxaa ku cad in wasaarada maaliyada ay cashuurtay 3 goor, hadana waxaa sii cashuura Dawlada Hoose.

Intaas oo cashuur ah marka ay ku dhacayaan iyo marka la gadayaba waa ganacsi xalaal ah oo aan la mamnuucin.

Balse nasiib darro qofkii shacabka ahaa ee gatay oo baabuurkiisa ku xirtay waxaa jidka u taagan askari aan hab dhaqan kiisu xataa fiicnayn oo ka diiraya. Ka diiris keliya maahee waa handadayaa.

Majirto haba yaraatee xeer mamnuucaya in muraayado madoow lagu xirto baabuurta oo lasoo saaray waxaana lagu fiiqa ama lagu daayaa rabitaanka shaqsiyaad masuuliyada ku tagrifalaya.

Mar waa dhaqaale burburin oo qofka baabuurka ku xirtay lacag baa uga baxday waxaana loo fiiqaa sifo aan sharci ahayn.

Marna waa xad gudub ka dhan ah xuquuqda shaqsiga iyo dhaqdhaqaaqiisa.

Intaas waxaa dheer masuuliyiinta dawlada heer kuwo xasaanad leh iyo shaqaalaha rayidka ah si xarago leh ayay ugu mushaaxaan beersoolka askarta fiiqaysana baabuurkooda waxaa ku xardhan yahay.

Waxaa Diyaariyay: Khadar Cawil Ismaaciil

Hadalsame Media