Dhambaal XASAASI ah oo ku socda Madaxwaynaha & Raysal Wasaaraha Somalia

0

(Muqdisho) 15 Okt 2019 – Mudane Madaxweyne iyo mudane Raysulwasaare. Kuma ahi mucaarad mana taageero siyaasadda dawladda aad hoggaamisaan. Se waan bogaadiyaa wanaagga aad u qabataan dalkan iyo dadkan. Dib u dhaca aad ku tallaabsataanna wuu i dhibaa oo waxa aan rajeeyaa in aydaan qaadin tallaabooyinka qaar.

Wuu i dhibaa dib u dhaca dalkan, dib u dhaciisana waa dib u dhacayga, gaar ahaan magaaladan Muqdisho ee aan ku noolahay, kuna soo barbaaray, oo aan xusuuso badan oo nololeed dhexdeeda ku sameeyay. Waad dareemi kartaan muwaadin kusoo noolaa Muqdisho xaalad weliba oo ay soo martay burburkii dawladdii dhexe kadib qiimaha ay u leedahay, iyo waxa uu u rajaynayo, isaguna ka rejaynayo in uu ku dhex helo magaaladiisa.

Ma jeclayn in aan qoraalkan qoro, waxa aan se ka seexan waayay boqolaalkii qoysas ee hurdada waayay, boqolaalkii carruur ee waalidkood ku waayay qaraxii 14 Oktoobar. Boqolaalkii dhallinyaro ee aan la ogayn nolol iyo geeri meesha ay ku danbeeyeen, se ehelkoodii iyo asxaabtoodii ay u asteeyeen dhimasho.

Kuwaas oo la ga yaabo in ay noolyihiin oo maskaxiyan dhib u soo gaaray. boqolaalka dhallinyarada iyo waayeelka isugu jira ee la nool dhaawacii jireed iyo midkii maskaxeed ee kasoo gaaray qaraxii 14 Oktoobar. Boqolaalkii dadweyne ee hantidoodii ku waayay qaraxii argagaxa lahaa ee gilgilay Muqdisho. maanta oo kale ayuu ku beegnaa oo labo sano ayaa laga joogaa!

Mudane madaxweyne iyo mudane raysulwasaare;
Maanta oo kale labo sanno ka hor, dadkii aynu waynay, kuwaa dhaawaca la nool, iyo hantidaa burburtay dadkii lahaa maysan ku xisaabtamaynin subaxa markuu waaga u baryay in ay u noqon doonto maalin madaw, weliba mid aad u madaw. Maysan ka fekerayn in jacaylladooda ay waayi doonaan.

Ma aysan is tusin in qaarkood ay naafo ku noqon doonaan, kuwa kalena ay ku naf waayi doonaan. Ma aysan ku fekaraynin in ay kala qarsoomi doonaan ayaga, saaxiibbadood, xaasaskooda, waalidkood iyo carruurtoodiiba. Ma aysan dareensanayn in ay waayi doonaan hantidoodii oo idil!! Waxa maalintaa dhacay waxa uu ahaa halaag. Iska daa reer Muqdisho e, Soomaali oo idil ayay saamayn ku yeelatay.

Waxa aad samayseen hawl aad u qurux badan, isla maalintii halaaggaa uu dhacay oo waxa aad magacawdeen guddigii gurmad qaran. Guddigaa waxa ay qabteen hawl aad iyo aad u muhiim ah, soomaali oo idilna caawinaad iyo garab istaag weyn ayay ka heleen, oo gurmadkii ay fidiyeen dadka Soomaaliyeed haddii uusan jirin maalintaa waxba ma hagaageen.

Waxaan ka mid ahaa dhallinyaradii la shaqaynaysay guddigaa oo illaa iyo marxaladihii u danbeeyay la socday. Hawsha ay qabteen hufnaanteeda iyo waxtarkeeda aad baan u la dhacsanaa. Balse waxa uu dhibka ka dhacay, markii uu noqday guddiga mid ku eg xilli!!

Dad badan oo weliba aad u badan ayaa dhaawac soo gaaray noocuu doonaba ha noqdee. Dadkaa dhaawacmay qaarba dal ayaa loo qaaday, si loogu fidiyo gurmad caafimaad, intii fududaydna dalka gudihiisaa lagu daweeyay.

Dadkaa dhaawacmay waxa ay isugu jiraan kuwa lafahooda burburay oo biro lagu kabay, kuwo wajigoodii gubtay oo loo sameeyay (Plastic Surgery), kuwa xubnahooda qaar lagu kabay kuwa macmal ah (artificial) iyo kuwa kale oo badan. Kulligoodna waxay u baahnaayeen dabagal caafimaad oo joogta ah, balse ma ay helin!

Mudane madaxweyne iyo mudane raysulwasaare.
Qoysaska ay ka dhaawacmeen dadkaa, ma awoodaan in ay dib ugu celiyaan meelihii lagu soo daaweeyay. Waxa ay ahayd in ay helaan dadkaa daryeel caafimaad oo dhamaystiran, in daryeel gooni ah loo sameeyo. Kuwooda maskaxda waxyeelada kasoo gaartay iyo kuwa u naafoobayna aad ka warhaysaan caafimaadkooda.

14 Oktoobar, ma aysan ahayn in aad inooga dhigtaan munaasabad xilliyeed oo sannad weliba nasoo marta, oo loo xiro waddooyinka Muqdisho, misna aanay waxba ka duwanaanin innaga oo u dabbaaldegayna 1 da luulyo. Ma ahan in aad nooga dhigtaan dhacdo caadi ah oo ina soo martay, si fududna lagu illoobi karo.

Mudane Madaxweyne iyo mudane Raysulwasaare.
Waxa aan rabaa in aan idin la socodsiiyo haddii aad ogtihiin iyo haddii aydaan ogaynba. U badan in aydaan ogayn e, dad badan oo ku waxyeeloobay qaraxaasi aad bay u tabaalaysanyihiin. Si daran weliba. Bal suuraysta hooyada weysay 4 wiil oo walaala ah, oo qoyskooda udub dhaxaad u ahaa! Weliba qaarkood la waayay hilbahoodi!!

Carruurta agoomada iyo rajooyinka ah ee labadoodii waalid ku waayay qaraxaasi. Kulligood uma baahna ma na dareemi karaan waddo la xiray iyo hal maalin oo loo asteeyay in ay tahay maalintii ay dhibaatada noloshooda badashay ku dhacday.

Dabbaaldeg iyo murugo xilli uun ah waxba uma soo kordhinayso, ee waxa ay idin kaga fadhiyaan gurmad, badbaadin iyo gacan qabasho. Waana inta ay xaqa u leeyihiin. Haddii aad amnigoodii ilaalin waydeen, xaq umalahan in ay kusii silicsanaadaan Muqdisho dhexdeeda. Idinka ayaa masuuliyaddooda dusha u ritay, waana in aad ka soo baxdaan.

Mudane Madaxweyne, mudane Raysulwasaare.
Waan rajaynayaa si uun qoraalkan in uu idin soo gaaro, oo aad ogaataan dhibaatada aadka u ballaaran ee haysata dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas iyo kuwa kale ee ka dhaca Muqdisho. Haddii aydan waxba u qaban karin ugu yaraan waranka aad ku ligligaysaan ka daaya.

Waxaa Qoray: Sahra Qorane, Muqdisho

Hadalsame Media