SOOYAAL SIRGAXAN: 15 Okt. 1969-kii, maalintii jidka saxda ah la seejiyay siyaasadda Somalia!

0

(Hadalsame) 15 Okt 2019 – Maanta oo kale 1969 waa maalintii la khaarajiyay (diley) Madaxweyne Cabdirashiid C. Sharma’arke.

Waa maalintii uu bilowday burburka iyo qaranjabka Soomaalidu. La yaabku waa in ilaa maanta 50 sannadood kaddib dilkii Cabdirashiid aan la aqoon cid dishay iyo sababta ay ku lagu dilay.

Sababaha loo ogaan waayay ciddii ka dambaysay dilka Cabdirashiid waxaa ugu wayn in dawladdii millateriga ee dhawr maalmood dilkiisi kaddib xukunka qabsatay ay dishay ninkii la sheegay in uu Cabdirashiid dilay kaas oo la sheego in magiciisa la oran jiray Saciid Oorfane inkasta oo aan la xaqiijin karin.

Dawladdii millaterigu ayada oo aan samayn baaritaan lagu kalsoonaan karo ayay ninkii dishay kaddibna kiiskii laabtay. Maxay la degdegaysay?

Waxaa jiray dhawr isku day hore oo la doonay in Cabdirashiid lagu dilo. Mid waxa uu ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho 1968, mid kalena jidka Daafeed iyo Muqdisho isku xira (sannadka ma hubo).

Fartu waxa ay ku godan tahay 3 qolo in ay Cabdirashiid dileen: 1. Millatarigii dalka ee xukunka la wareegay dilkiisi kaddib. Dad badani waxa ay qabaan in ciidanku madaxweynaha dileen si ay afgambiga ugu gogolxaaraan.

2. Ciidankii Sirdoonka Soofiyeetka ee KGB. Waxaa la ogyahay in KGB’du gacan wayn ku lahayd afgambigii 21 October dalka ka dhacay ayna ahayd mishiinkii nalka u daarayay.

3. CIA’da. Waxaa jirtay in Maraykanka iyo Galbeedka ay Cabdirashiid u aqoonsadeen in uu yahay nin Shuuci ah uu na yahay ninka Soofiyeetka Soomaaliya keenay, waa markii uu Raisul Wasaaraha ahaa 1960-1964. Waxaa kale oo jirta in Cabdirashiid lacag iyo taageeraba ka helay dalalka Shiinaha iyo Soofiyeetka waqtigii ololaha doorashada ku jiray (1966-1967). Sidaas darteed waa jirtay cadaawad ay Galbeedka u qabeen Cabdirashiid. Balse waxaa mugdi wayn ku jiraa in ay arrintaas Cabdirashiid u dileen waayo waqtigii Cabdirashiid Madaxweynaha ahaa waxa ay ahayd markii uu ugu wanaagsanaa xiriirka Soomaaliya iyo dalaka reer Galbeedka, sababtana waxaa lahaa Raisul Wasaarihii Cabdirashiid magacaabay, M. X. I. Cigaal oo ahaa saaxiib ay Galbeedku Soomaaliya ku leh yihiin.

Cigaal waxa uu beddalay siyaasaddii arrimaha dibadda dalka ee kakanayd waxa uu na wadahallo la galay dalalka dariska asaga oo xiriir dhow la lahaa madaxdii Zambia, Tanzania iyo Kenya. Cigaal waxa uu sidoo kale soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Ingriiska oo muddo go’naa.

Waxaa jirta sheeko ah in Cabdirashiid loo dilay aano qabiil iyo muran ka dhashay doorashadii Baarlamaanka ee dhacday Maarso 1969; iyo in mucaarad uu Cabdirisaaq hoggaan u ahaa madaxweynaha dileen run se u ma dhawa.

Waxaa se jirta arrin kale oo isku xiraysa mucaaradkii Cabdirisaaq Xaaji hoggaaminayay iyo Taliyihii Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Siyaad. Cabdirsaaq iyo Maxamed Siyaad waxa ay ahaayeen saaxiibbo si un xiriir dhow u leh. Maxamed Siyaad waxaa Taliyaha Xoogga Dalka ka dhigay Cabdirisaaq 1965tii.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media