Xildhibaannada Liberia oo 30% mushaharkooda u jaray horumarinta dalkooda (Somalia waa taa cagsigeeda)

0

(Monorovia) 14 Okt 2019 – Xildhibaannada Liberia ayaa isku raacay inay 30% dhimaan miisaaniyadda iyaga ku baxda sida mushaharooyinka iyo gunnooyinka marka la gaaro 2020.

Xildhibaannada ayaa sheegay inay taa uga gol leeyihiin in lagu hagaajiyo dhaqaalaha dalka, si lacagahaa ay iska jarayaan loogu bixiyo adeegyo kale oo ay bulshadu aad ugu baahan tahay.

Waxaa adeegyadaa ka mid ah dhinacyada, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha, korontada iwm. Waxaa sidoo kale tillaabadan ka mid ah raacista soo jeedinta IMF ee gunti isku giijiska ah.

Sida ku qoran FrontPage Africa, oo ah warqaad kasoo baxa dalka Galbeedka Afrika, waxaa qorshahan oo uu keenay MW  George Weah, oo ahaa laacib hore, dowladda ugu biiraysa lacag dhan $7milyan oo doollar.

Tillaabadan ayaa dhanka kale imanaysa bil uun kaddib markii ay shacabka Nigeria ay Aqalka Sare ee dalkaa dacweeyeen kaddib markii ay keeneen hindise ah inay soo iibsadaan gawaari uu midkiiba ku kacayo 5.5bilyan oo ah Naira-ha dalkaasi.

Dalka Somalia oo ah dal uu dhaqaalihiisu dhulka yaallo, oo ay mushaharooyinka hay’ado iyo dalal shisheeye bixiyaan, aragti noocan ihi xisaabtaba kuma jirto, balse waxaa aad loogu hardamaa sidii loo keeni lahaa MOOSHIN danaysi ah oo lagu helo doollar laaluush ah oo laftiisa deeq lagu keenay.

Hadalsame Media