DEG DEG: Madaxtooyada oo iska fogaysey arrin aad loogu dhaliilay! (War kasoo baxay)

0

(Muqdisho) 14 Okt 2019 – Xukuumadda ayaa iska fogaysey gawaari saaka lasoo dhigay isgoyska Soobbe oo ay ku sawirnaayeen Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaaraha dalka.

Arrintan ayaa aad loogu dhaliilay baraha bulshada, iyadoo loo arkay mid aan laga fikirin oo aan ku qurxoonayn marxaladda la xusayo.

Yeelkeede, Madaxtooyada ayaa arrintaa iska fogeysey. Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Cabdinuur Axmed ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray sidatan:

“Madaxda iyo dadka kale ee ammaanada bulshada loo wakiishay waxa ay khaldaan waa la sixi karaa, waxa ay hagaajiyeenna waa la tilmaami karaa balse in shakhsiyaad loo heeso ama loo buraanburo waa dhaqan duugoobay oo aan loo baahnayn.

“Waxaa lamid ah qoladii maanta baabuurta kusoo buufisay sawirrada madaxda qaranka iyaga oo isu haysta in ay wax hagaajiyeen. Dhaqamadaas liita waa in la baabi’iyaa.” Ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media