DAAWO: Shacabka Garoowe oo aad u cambaareeyay caleemo saarkii Kismaayo

0

(Garoowe) 14 Okt 2019 – Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa inta badan cambaareeyay munaabaddii caleemo saarka ahayd ee lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Waxyaabaha ay dadku inta badan aadka uga caroodeen oo dhowr qodob iskugu jira ayaa waxaa uga sii daray ka qaybgalka xafladdaasi ee wefdi ka socdey Kenya oo marka laga yimaado inay fasax la’aan soo galeen hawada Somalia, misna ku hadlay hadal ay dad badani ku tilmaameen mid aan laa’iq ahayn.

Waxyaabihii uu meesha ka sheegay Aadan Barre Ducaale waxaa ka mid ahaa in ”Kenya ay xuduud la leedahay Jubbaland” isagoo afkiisa ka dhowray Somalia, in aysan ”ciidamadooda Kenya baxayn illaa ay meesha nabad ka dhigaan” iyo mahmaahdii uunsiga oo haatan maadsi ka noqotay baraha bulshada, balse aan lala dhicin, iyadoo aad loo dhaliilay madaxdii meesha fadhidey ee aan warkaa madaxda qaranka lagu hafrayo ka gilgilan.

Halkan hoose ka daawo aragtida shacabka Puntland, gaar ahaan caasimadda maamulkaasi ee Garoowe.

Hadalsame Media