UEFA oo ku dheggan xulka Turkiga (Sabab la yaab leh oo lagu haysto)

0

(Nyon) 12 Okt 2019 – Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa laacibiinta xulka Turkiga ku haysta inay qaabkii askarta salaan ah bixiyeen, kulankii ay ka adkaadeen dalka Albania.

“Shakhsiyan anigu salaantaa ma arag, kaasoo si kastaba daan daansi ah. Sharcigu miyuu diidayaa dhaqamada siyaasadeed iyo kuwa diimeed? Haa, waxaana damaanad qaadi karaa inaan arrintan baari doonno. Bal aan eego.”  ayuu yiri Philip Townsend, oo ah madaxa warfaafinta ee UEFA oo ANSA u warramay.

Ciidamada Turkiga ayaa salaantooda loo fasiray inay ku taageerayaan ciidamadooda oo weerar ku qaaday woqooyiga Suuriya, halkaasoo ay kula dagaallamayaan kooxda gooni goosadka ah ee Kurdiyiinta.

Hadalsame Media