Ragga Kismaayo tegey yaa jebiyay yaanse jebin amarka DF Somalia?

0

(Kismaayo) 12 Okt 2019 – Waxaa Kismaayo ku sugan siyaasiyiin kala duwan oo aan wax xil ah iminka haynin, marka laga reebo MW Puntland Md Siciid Deni.

Raggaasi waxay halkaa u tageen munaasabad uu isku caleemo saarayo Axmed Madoobe oo sheegay in lagu doortay doorasho aysan u ducaynin DF Somalia, isla markaana aanay taageerin beesha caalamku.

Waxaa haddaba jira arrin ay ku kala duwan yihiin wufuudda halkaa tagtay, taasoo ah inay qaarna halkaa tageen iyagoo maray hab-raacii ay DF u jeexday gaadiidka dhanka cirka ah ee tegaya Kismaayo, qaarna ay ku tageen qaab middaa jebinaya.

Sida uu Hadalsame fahamsan yahay, marka sharci darrada la eego waxaa ilaa haatan halkaa tegey 2 dayuuradood oo qura, midi waa tii halkaa ka degtey maalintii 1-aad ee Nairobi ka timid iyadoo wadata shati bug ah, waxayna siddey rag ay ku jireen Guuleed iyo Shariif Xasan.

Midda kale waa tii keentay wefdigii ka yimid Puntland oo uu ku jiro Madaxwaynaha maamulkaasi Siciid Deni, taasoo sida ay sheegayaan warar aannu ka helnay dhanka maamulka hawada Somalia ”u bareeray halis dhanka hagidda ah.”

Inta kale ee halkaa tagtay waxay mareen hab-raacii ay DF Somalia u dejisey gaadiidka cirka ee Kismaayo tegaya, sidaa darteed, ma aysan jebinin amarkii DF.

”Inay munaasabaddaa ka qayb galaan wax miisaan ah ku kordhin mayso xaqiiqada ah in aanay DF Somalia marna aqoonsanayn Axmed Madoobe.” ayuu Hadalsame u sheegay sarkaal ka tirsan DF oo naga codsaday inaynaan magacaabin.

Hadalsame Media