”Jubbaland waa gobol Kenya ka mid ah!” – Arag fal-celinta Kenyaatiga

0

(Nairobi) 12 Okt 2019 – Qorshaha Siyaasiyiinta Kenya waxaa ku hadaaqaya shacabka Kenya; Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Kismaayo isugu tagayna waxay gacmaha isku qabsadeen inay fuliyaan damaca cadowga dalkeenna kusoo duulay iyagoo arrinta u ekeeysiinaya sidii dood maxalli ah, shacabka Soomaaliyeed na gacmaha ayay ka laabteen oo daawadeyaal ayay ka noqdeen.

JAWAAB 1: “Soomaaliya waa inay iska iloowdo sheeko baraleeyda ayna aqbasho inay gumeysi noogu jiraan. kama talino hawadooda oo kaliya, ee dhulka, badda, dumarka & caruurtooda ayaan u talinaa”.

JAWAAB 2: “dhacdada ugu cajiibsan waa Muranka Sohdinka Badda. Ceelasha ha qaataan laakin qodista waxaa leh ciidamada badda & Xoogagga Difaaca Kenya KDF. Dib ma u milicsatay heshiiski xaalufinta dhirta ee dhuxusha? Waraaqaha waxaa ku qornaan doona in Somalia ay ceelasha shidaal leedahay balse shidaalka waxa uu baaqi ku ahaan Sicirka Suuqyada Ganacsi ee Kenya”.

JAWAAB 3: “Madaxweynaha Soomaaliya ha joogteeyo shirqoolka uu la damacsan yahay Raisalwasaarahiisa! Kismaayo waa dekada 2aad ee Kenya ugu weyn. Waxaana noo maamula Guddoomiye Axmed Madoobe, Jubbaland waa gobol Kenya ku yaalla”.

Waxaa Diyaariyay: Liibaan Cabdi

Hadalsame Media