”Colaad baa Somalia & gobolkaba laga oogayaa!” – Cidda ka dambaysa & ujeedka

0

(Hadalsame) 12 Okt 2019 – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa ka digay in gobolka laga oogo dagaal heer gobol ah oo lagu hoobto, isagoo dabcan ka digaya siyaasadda daan daansiga ah ee Kenya.

”Qaybta ugu murugada badani waa in aanu dabku waxba hambayn doonin. Turkigu wuxuu diyaar u yahay inuu Somalia difaaco. Eritrea waxaa jira abaal ay Somalia ku leedahay.  Ethiopia dhib maxalli ah ayaa haysta. Gobolku si sahlan ayuu isugu rogi karaa Suuriya kale. Aan dagaal ka fogaanno, waa halis” ayuu Twitter-ka kusoo qoray.

”Dalal qani ah oo ay ku jiraan kuwa Khaliijku ayaa dowladu iyo ashkhaas lacag doollar ah ku farraqaya si dagaal gobolka looga rido, oo loo baajiyo inay Somalia shidaalkeeda lasoo baxdo.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media