”Sharaf bay ii tahay!” – Ma dhici kartaa in Abiy Ahmed uu sidii Obama u xumaado kaddib billadda Nabadda ee uu qaatay?!

0

(Addis Abeba) 11 Okt 2019 – Billada Nobelka hadda ayaa qiimo loo yeelay oo qof u qalma la siiyay. Beri dhexdaas ah ayay qiimo tireen markii ay siiyeen Obama oo ahaa dilayaashii ugu xumaa ee qarnigan.

Obama asaga oo billadaas haysta ayuu noqday madaxweynihii ugu adeegsiga badnaa diyaaradaha iswada ee Dharoonka. Tobonnaan kun oo qofood oo Soomaali iyo muslimiin u badan ayuu ku laayay. Obama waa ninkii falkiyay balaayada maanta ka taagan Liibiya iyo Suuriya. Waxa uu dilay hoggaamiyihii Liibiya, Qadaafi.

Obama waxa uu ahaa wuxuush fulay ah oo dalalka taagta daran ka adag. Asaga oo indhihiisu shan yihiin ayaa Ruushku dhulkii Yukrayn badh qaatay, sidoo kale Shiinaha ayaa Obama oo daawanaya murqihiisa ku kala bixiyay adduunka gaar ahaan Badda Koofurta Shiinaha.

Sidoo kale Obama waxa uu ahaa ninkii Sacuudiga u oggolaaday in uuYeman ku duulo oo baabi”iyo. Ninka noocaas ahaa ayaa billadaas la siiyay ama asaga oo haysta waxaas oo balaayo ah sameeyay.

Abiy Axmed waxa uu billadaan ku mutuystay soo afjaridda collaaddii nacasnimada ahayd ee u dhaxaysa dadka walaalaha ah Itoobiya iyo Eritereeya, iyo dimoqraaddiyaynta dalkiisa iyo sii daynta dadkii tirada badnaa ee ka buuxay xabsiyada dalkaas.

Abiy Axmed waxaa uu qaatay go’aan qar-iskatuurnimo markii uu dhulkii 70,000 oo qof ku dhinteen uu Eritereeya u celiyay. Waxa uu ahaa go’aan adag iyo khatar culus oo uu u bareeray Mudane Axmed. Si dhibyar ayaa xoogagga itaalla badan ee Tigreega iyo Amxaaradu ugu eedayn kareen ‘qiyaano qaran’ iyo in uu dhulkii Itoobiya dalka kale siiyay. Balse Abiy Axmed waa u bareeray waayo waxa uu ogaa in hoggaaminta wanaagsan ee yoolka iyo higsi lihi aysan go’aan qar-iskaxoornimo ka maarmin. Si aftahannimo iyo daacadnimo ah ayuu dadkiisa ugu qanciyay in go’aanka uu qaatay yahay kan saxda ah.

Maanta waakaas, waa geesi inta uu Afrika dhaafay adduunka oo dhan caan ka noqday, waxa uu na booska ku ciriirinayaa Nelson Mandela.

Madaxda Itoobiyaanku weligoodba waa ay ka horreeyeen madaxda Soomaalida waa na ka saamayn badnaayeen marka Afrika iyo dunida kale la joogo, waana mid siyaasiyiinta Soomaalida iyaga uun ku xiran inay saamayn qaran, mid qaaradeed iyo mid caalami ah yeeshaan ee ma aha xuquuq Itoobiya u dhowran.

Waxaa Diyaariyay: Cali Maxamed Diini

Hadalsame Media