Kaddib telefoonnadii Rwanda oo misna bilowday soo saarista mootooyin & baaskiillo danabka ku shaqeeya

0

(Kigali) 11 Okt 2019 – Rwanda ayaa halkeeda kasii wadda inay tahay ka yaabisada qarniga 21-aad, kaddib markii todobaadkii hore ku dhawaaqday inay noqotay dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee abid sameeya Smartphone, waxay haatan bilowday soo saarista mootooyin iyo baaskiillo koronto ku shaqeeya.

Agabkan ayaa waxaa soo saartay Safi Limited, taasoo ah sharikad maxalli ah oo ka shaqeeysa dhinaca farsamooyinka hufan ee waari kara ama la cusboonaysiin karo, si wax lagaga qabto dhibaatada gaadiid ee qaaradda.

Warqaadka New Times of Rwanda ayaa werinaya in agabkansi ay leeyihiin furayaal smart ah oo lugaha uga xiran, iyadoo ay dadku ka isticmaali karaan telefoonnadooda oo ay kusoo degsanayaan app gaar ah, qofkii ay telefoonkaa haysanna loo sameeynayo kaar danabeed.

Waxaa meelo badan oo ku yaalla caasimadda Kigali, lagu rakibay goobo laga cabbeeyo mootooyinkan iyo baaskiilladan, marka ay tamartu ka dhamaato.

Rwanda oo 1994-kii dad milyan ku dhow xasuuqii ugu xumaa ee qaaradda ka dhaca iskaga laysay ayaa haatan noqotay dal tusaale loosoo qaato dhan kasta.

Hadalsame Media