DEG DEG: RW Abiy Ahmed oo hantay billada Nobeelka Nabadda

0

(Olso) 11 Okt 2019 – Waxaa munaasabad haatan ka socotab Nobel Institute in Oslo lagaga dhawaaqayaa cidda ku guulaysatey billadda Nobeelka ee nabadda.

Waxaa billadda Peace Prize qaadan kara qofkii ama kooxdii “sida ugu fiican uga shaqeeyaa walaalnimada iyo baabi’inta ama yaraynta khilaafyada hubaysan ama wixii nabadda wax u dhimaya”.

Waxaa billadda bixinaya Guddiga Nobeelka oo mid ka dooranaya musharrixiinta loosoo gudbiyo magacyadooda ama xitaa ururrada.

Waxaa hantay Abiy Ahmed oo ah Raysal Wasaaraha Itoobiya oo la sheegay inuu wax badan ka qabtay nabadda dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan dalalka Eritrea, Sudan iyo xitaa Somalia iyo Kenya.

Tusaale ahaan, wuxuu gacan ka gaystey heshiiskii labada dal ee Itoobiya & Eritrea oo 20 sanadood colaadi ka dhaxaysey, wuxuu sidoo kale beddeley wejigii siyaasadeed ee ay Itoobiya mudadii burburka ku wajahaysey Somalia.

Sidoo kale wuxuu dhexdhexaadin ka dhex sameeyay khilaafkii Suudaan oo ay isku mari waayeen shacabkii dibad baxayay iyo Golihii Ciidamada ee la dhisay kaddib markii la casiley Cumar Xasan Al Bashiir.

Wuxuu kaloo isku dayay inuu isu soo dhoweeyo madaxda Somalia iyo Kenya oo uu laba jeer ku kulansiiyay Addis Ababa iyo Nairobi.

Hadalsame Media