DHEGEYSO: Sweden oo Midowga Yurub ku qalqaalinaysa in cunaqabatayn la saaro Turkiga

0

(Stockholm) 10 Okt 2019 – Xisbiyada Liberaalka iyo Vänsterpartiet ayaa dowladda Sweden ka dalbaday inay riixdo qorshe ay dalalka Midowga Yurub  cunaqabatayn dhanka hubka ah ku saarayaan dalka Turkiga.

Arrintan ayaa waxaa haatan ka wada arrinsanaya Guddiga Arrimaha Dibedda ugu qaybsan Baarlamanka Sweden. Fredrik Malm waa afhayeenka arrimaha dibedda ee xisbiga Liberaalka.

– Dalalka Midowga Yurub waa inay haatan isku raacaan in cunaqabatayn hubka ah lagu soo rogo Turkiga, si aan sahay dagaal loo siinin weerarka Turkiga, kaddibna waa in la qaadaa tillaabooyin dheerad ah oo xannibaado ah, sida in la fariisiyo kaalmooyinka kala duwan oo ay EU Turkiga siiso, ayuu yiri.

Todobaadka soo aaddan, Wasiir Dibadeedyada Midowga Yurub ayaa kulmaya, waxaana qorshaha ku jirta in la eego in la raaci karo hindisaha Sweden, kaddib markii uu Turkigu weerar ku qaaday woqooyiga Suuriya. Haddii aanay Sweden ku guulaysanin inay EU ku qalqaaliso inay go’aankeeda ku raacdo, Sweden waa inay kaligeed cunaqabatayn hubka ah saartaa Turkiga, sida uu ku doodayo Fredrik Malm:

Dowladda Sweden ayaa dhankeeda sheegtay in aanu iminka jirin qorshe ay Sweden hub uga iibinayso Turkiga oo soconaya, gaar ahaan hub dagaal loo adeegsan karo.

Hadalsame Media