Somalia oo muddo dheer kaddib tillaabo ka qaadday arrin dhib ku haysey shacabka

0

(Muqdisho) 09 Okt 2019 – Qoraaga caanka ah ee James Hall oo aad ugu dhuun daloola umuuraha qaaradda Afrika guud ahaan oo uu ka qoray ilaa 6,000 oo maqaal, ayaa soo qaatay tillaabo cusub oo uu sheegay inay Somalia qaadayso.

Wuxuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray sidan: ”Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer Afrika ayaa sanadkan markii ugu horreeysay muddo 20 sanadood ah waxay dowladdu bixisay shatiyo kalluumeysi oo sharci ah.

”Iyadoo xeerar u yeelaysa kalluumeysiga isla markaana halkaa ka heleeysa 1 Milyan oo doollar oo khidmo ah si loogu hormariyo kalluumeysiga gudaha. Dhanka Ajaanibta ayaa iyaguna loo gooyay inaysan ka kalluumeysan karin dhul gaaraya 24 mile (38 km), kaasoo loo gaar yeelay inay ka kalluumeystaan Soomaalidu.”

Somalia ayaa waxaa fara ba’an ku haya maraakiib iyo doonyo kalluumaysi oo qaab tuugaysi uga jillaabta biyaha maxalliga ah ee Somalia.


Hadalsame Media