Nooc naasaha ka mid ah oo ay adag tahay in laga baaro kansarka naasaha (Waa noocee?)

0

(Hadalsame) 09 Okt 2019 – 3 meelood oo hal meel mishiinka kansarka naasaha lagu baaro ee mammography-gu ma ogaado oo wuu ka ilduufaa cudurkaasi, iyadoo ay Jamciyadda Kansarka Naasuhu ay soo jeedinayso in la sameeyo baaris qofba iskii ugu qaabsan farsamo ahaan.

Markii aaladda mammography-ga laga hirgeliyay dalka Sweden 1990-meeyadii waxay ahayd arrin lagu tilmaamay daah-fur oo kale – yeelkeede, haatan ayaa waxaa lasoo jeedinayaa in loo baahan yahay in dib loo cusbooneeyo qaabka shaqo ee mashiinkaan, sida ay qabto Susanne Dieroff Hay oo ah guddoonka Jamciyadda.

– Waxaannu dabcan doonaynaa in aanu cilmi barista xilli hore ku ogaanno, marka waa inaan hormarinaa qaabab baaritaan oo intaa ka wax ku oolsan, ayay tiri.

Waqti xaadirkan waxaa caadiyan kansarka naasaha laga baaraa haweenka ay da’doodu u dhaxayso 40-74 sanadood, kuwaasoo la baaro xitaa haddii aanay halis ugu jirin cudurka.

Yeelkeede, warbixin cusub oo kasoo baxday Jamciyadda Kansarka Naasaha ayaa muujinaysa in haweenka qaarkood ay halis dheeraad ah ugu jiraan kansarka naasaha, gaar ahaan dumarka leh naasaha cufan (täta bröst), oo la sheegay inay suurtagal tahay inay 4-6 jeer kansarka naasaha uga badnaadaan haweenka kale.

Naasaha cufan waxaa ku badan nudayaasha loo yaqaan glandular kuwaasoo sii daaya dhecaanno ay caanuhu ka mid yihiin iyo hoormoonno gaar ah oo dhiigga ku milma, waxaana adag in feexda ku taalla markiiba lagu garto aaladda mammography-ga, waayo waxaa is yeelanaya midabka nudayaashaas iyo midka kansarka oo wada cad markii lagu eego aaladda mammography-ga. Susanne Dieroff Hay ayaa se haysa hindise cusub oo xal noqon kara.

– Waxaannu doonaynaa in Waaxda Adeegga Bulshadu ay diyaariso barnaamij cusub oo lagu hormarinayo mammography-ga isla markaana ay sameeyaan hab-raac cusub, si haweenka naasaha cufan oo 10% ihi ay u helaan hab cusub oo lagu baari karo naasohooda, ayay Susanne Dieroff Hay.

Hadalsame Media