”Haddii adiga oo guriga fadhiya uu Madaxwayne albaabka kuusoo garaaco maxaad samayn lahayd?”

0

(Hadalsame) 09 Okt 2019 – Adigoo gurigaaga iska fadhiya, haddii madaxweyne irrida kugu soo garaaco, oo kuu sheego inuu hawl uu kaaga maarmi waayey kuugu socdey, oo laba maalmood ka dib boqor Carbeed kula soo hadlo, oo ku yiraahdo inaad wax ila qabataan rabaa, soow kuma tiraahdeem nimanyohow maxaad iigu ciyaaraysaan?

Gabar Maraykan ama reer Yurub ah, oo dugsi sare mar dhaw dhammaysay, oo safaaraddoodii Nairobi shaqo laga siiyey, ayaa waxaa u tegaya nin Soomaali ah oo suudh xiran, oo warqado sita, oo billad buluug ah laabta u suran tahay. Wuxuu ku leeyahay adeer inaan Soomaaliya madaxweyne ka noqdo ayaan rabaa, meeshuna waa hawl badan tahay, ee adigaa fara jilicsane maandheey wax ila qabo.

Iyadoo kii ka yaabban ayey arkaysaa mid kaloo isagii u eg oo gadaashiisa ku sugaya, oo warqadihiisa oo kale sita, oo marka labadoodu iyada soo eegaana ay wejiga furayaan, markay iyagu is eegaanna ay wejiga isu macbuusayaan.

Labadaas nin inay fursad heleen ayey isu qabaan, gabadhuna in kaamero qarsoon laga duubayo, oo lagu ciyaarayo ayey u qaadanaysaa.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media