Somalia oo qaadday tillaabo kale oo wax ku ool ah dhanka masraxyada caalamiga ah

0

(New York) 08 Okt 2019 – Mahesh Kumar oo ah Xoghayaha joogtada ah ee Qaramada Midoobey, ayaa sheegay in ay Soomaaliya ka mid noqotay dalalka buuxiyay shuruudaha dhanka dhaqaalaha ee Qaramada Midoobey, taasoo ka dhigan inay Somalia bixisay qaaraankii lagu lahaa.

Mahesh Kumar ayaa xaqiijiyay in dalalkaasi buuxiyay shuruudaha QM ay kala yihiin Somalia, Comoros, Sao Tome iyo Princip, taasoo dalalkaasi xaq u siinaysa inay markale ka codayn karaan QM.

Waloow ay taasi jirto, misna Xoghayaha Guud ee QM ee Antonio Guterres ayaa daboolka ka rogey inay hay’addaa caalamiga ihi wajahayso dhaqaale yari baahsan.

Wuxuu sheegay Guterres inay dalal badani ka baaqdeen inay bixiyaan qaybtii kaga aaddayd qaaraanka QM, iyadoo haddii aan dhaqaalahan la helin ay taasi saamayn karto dalal ay Somalia ku jirto oo ay QM ka waddo howlo kala duwan oo dhanka nabad ilaalinta iyo dowlad dhisidda ah.

Maraykanka ayaa ka mid ah dalalka sanadihii dambe hoos u dhigay qaaraankii uu siinayay QM, taasoo timi kaddib markii uu dalkaa qabsaday MW Trump oo lagu xanto inay dhaqan geliyay siyaasad is koobis ah (isolationism).

Hadalsame Media