Iiraan oo xabsiga dhigtay ”Jinni Jolie” & sababta lagu haysto + Sawirro

0

(Tehraan) 08 Okt 2019 – Ciidamada Iiraan ayaa xabsiga dhigay gabar iska dhig dhigta Angelina Jolie taasoo ku eedaysan inay diinta u geftey isla markaana ay foowdo ku kicinayso farriimo ay ku qortay boggeeda Instagram.

Gabadhan oo xiddigad ka ah baraha, Sahar Tabar, oo reer Tehraan ah, ayaa dunida caan ka noqotay kaddib markii ay soo saartay sawirro ay ku sheegayso inay qalliimo isku samaysay oo ay dadka qaar ku tilmaameen ”mayd soconaya”, waloow markii dambe la ogaadey inaysan is qalin, balse ay sawirrada samaysay.

Gabadhan oo 22-jir ah ayaa sheeganaysay inay gashay ilaa 50 qalliin si ay ugu ekaato qalanjada Hollywood, balse markii dambe waxaas oo idil waa beenisey.

Tabar ayaa haatan u xiran eedo ay ka mid yihiin inay diinta u geftey, rabsho kicin, in dakhli lagu helo siyaalo aan habboonayn iyo inay da’yarta ku dhiirri gelinayso fasahaad iyo musuq, sida ay werinayso Wakaaladda Tasnim.

Halkan ka daawo sawirrada…

Hadalsame Media