XOG: Caleemo Saarkii Axmed Madoobe oo markale dib u dhacay

0

(Kismaayo) 07 Okt 2019 – Waxaa soo baxaya warar sheegaya inay markale dib u dhacday munaasabaddii caleemo saarka uu qabsanayay Axmed Madoobe oo sheegay inuu markii 3-aad noqday MW Jubbaland.

Xil. Cabdirisaaq Axmed Maxamed (Jindi) oo ka tirsan Baarlamaanka dhexe ee Somalia ayaa warkan ku sheegay waraysi uu siiyay Idaacadda Risaala.

Xildhibaanka ayaa baaqashada u aaneeyay caqabado ku hor gudbin in la tago magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo haatan caasimad KMG ah u ah Jubbaland, isagoo tibaaxay in xayiraadda DF Somalia laga dhaqaaqi la’yahay.

“Way iska cadahay adeer sababtu wax kale ma’ahin carqalado fara badan ayaa waxa ay ka timid safaradii lagu soo aadi lahaa Kismaayo.” ayuu Xildhibaanku u sheegay Idaacadda.

Lama oga xilliga kale ee loo muddayn doono qabashada caleema saarkaasi oo haatan qorshaysnaa 9-ka bishan, balse DF Somalia ayaa shalay soo saartay hab-raaca doorashada Jubbaland, taasoo ka dhigan inuu xaalku kusii adkaanayo Axmed Madoobe.

Hadalsame Media