Shiinaha oo sameeyay kaamiro xoog badan oo xitaa garan karta laafyaha qofka (Mid kumannaan qofka kasoo saari karta oo hadda soo baxday)

0

(Beijing) 06 Okt 2019 – Cilmi baarayaal Shiinays ah ayaa soo saaray kaamaro aad u awood badan oo hal qof kasoo saari karta kumannaan qof oo hal meel ku xoonsan, sida dadka ciyaaraha ku daawada garoomada.

Kaamiradan 500-megapixel marka la eego halbeegga bikaaca kaamirada ayaa waxaa hormariyay saynisyahanka Fudan University, oo kaashanaya Changchun Institute of Optics oo hoostaga Akamadiyaha Cilmiga ee Chinese Academy of Sciences.

Kaamiraddan ayaa 5-jeer ka aragti fiiqan isha insaanka, balse saasoo ay tahay ma aha kaamiradii ugu awoodda badnayd ee abid la sameeyo.

Kaamiro 570-megapixel ah ayaa dalka Chile lagu rakibay 2018-kii, taasoo ah fogaan arag loogu tala galay inay sawirto waxa ka socda meerayaasha fog fog ee hawada sare.

Kaamiradan oo ah kuwa amaanka CCTV isla markaana wejiyada garan karta ayay warbaahinta Shiinaha ee ay dowladdu maamusho ay ku amaantay inay tahay mid wax ka taraysa “amaanka iyo daafaca qaranka”.

Waxaa jira ilaa 170 milyan kaamiro oo ah CCTV oo haatan ka shaqeeya Shiinaha – taasoo ka dhigan in ay hal kaamiro saaran tahay 12-kii qof oo Shiinays ahba.

Shiinaha ayaa haatan dunida ugu horreeya dhanka la socodka dadwaynaha, wuxuuna beri dhowayd dhaqan geliyay tiknolojiyad suuragelinaysa in qofka laga aqoonsado meel 50 mitir ka shisheeysa iyadoo kaliya la eegayo laafyihiisa gaarka ah.

Hadalsame Media