Sheekh Shariif oo qaaday tillaabo ay dad badani u RIYAAQEEN

0

(Muqdisho) 06 Okt 2019 – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay inay bilaabeen geeddi socod sharci ah oo ay u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalka.

Sheekh Shariif Shiikh Axmed ayaa isagu haatan ka hadlay tillaabadaa sharciga ah ee ay qaadeen ee salka ku haysa  xayiraadii Sheekh Shariif oo laga soo celiyay Garoonka Aadan Caddde oo uu ku tilmaamay ”mid sharci darro ah, isagoo dhanka kale sheegay inuu ilaaliyo sharciga dalka.

“Iyada oo laga duulayo dhowrista iyo ilaalinta shuruucda dalka ayaan si rasmi ah dacwad ugu gudbinnay maxkamadda sare ee dalka taasi oo ku saabsan is hortaaggii sharci darrada ahaa ee xukuumaddu ay ku sameysey xubnihii xisbiga Himilo Qaran ee aan hogaaminayay kuna socdey Kismaayo xarunta KMG ee Jubaland” ayuu yiri Sheekh Shariif ku yiri qoraal uu soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee Facebook.

“Ma jirto cid ka sarreeysa sharciga sidaa darteed waxaan maxkamadda sare ee dalka aan ka doonaynaa cadaalad, innaga oo dacwaddana si gaar ah uga gudbinnay laanta fulinta ee dowladda oo bixisay amarkii sharci darrada ahaa” ayuu daba dhigay.

Dad badan ayaa qaba inay tillaabadani tahay mid ka fiican tii hore xitaa haddii ay soo yara daahday, waxaana xaqiiqo ah in haddii uu Sheekh Shariif uu bilowgii middan ku dhaqaaqi lahaa, uu sidaa ku kasban lahaa taageerada Soomaali badan oo jecel dowladnimada iyo kala dambaynta.

DF Somalia ayaa horay doorashadii Jubbaland ugu tilmaantay mid waxba kama jiraan ah, iyadoo sheegtay inaysan aqoonsanayn wax kasta oo kasoo baxay, taasoo ay salka ku hayso xayiraadda la saaray, markii ay Jubbaland horay u sheegtay inay halkaa ka mamnuucday madaxda DF.

Hadalsame Media