Nin loo xukumay $750,000 oo doollar kaddib markii uu dacweeyay nin kala geeyay isaga & xaaskiisa (Wax ka baro sharciga ”guri duminta” ee Maraykanka)

0

(North Carolina) 06 Okt 2019 – Nin kasoo jeeda gobolka North Carolina ayaa loo xukumay magdhow gaaraysa $750,000 oo euro kaddib markii uu dacweeyay nin uu sheegay inuu gurigiisa dumiyay.

Kevin Howard ayay xaaskiisa 12 sano wada joogeen, markii ay hal mar ula timid dalab furriin. “Waxay ii ahayd sida inuu qof inta kusoo woco kuu sheegay inuu si faj’a ah u dhintay qof ka mid ah qoyskaaga,” ayuu yiri Pitt County oo la hadlay WITN.

Howard ayaa sidaa darteed waxaa loo xukumay $750,000 oo doollar oo uu bixinayo ninka lagu haysto daba-maryaynta, taasoo qayb ka ah Xeerka kala Gaynta Gacalka oo North Carolina ka jirey tan iyo 1800, kaasoo kaga yimid dhanka Ingiriiska oo ku dhaqmayay tan iyo 1745-kii, xilligaasoo ay xaasasku ahaayeen sidii alaab ninku iska leeyahay.

Xeerka Kala Gaynta Gacalka oo sidoo kale loo yaqaanno  “guri dumiye” ayaa la isku dacwayn karaa haddii ay lamaane is qabaa ku kala tagaan saamaynta dhinac 3-aad, kuwaasoo ay xitaa ku jiraan xididka, wadaadada iyo waalidka, sida ku qoran Lawyers.com.

“Waan dacwoodey maxaa yeelay waxaan aaminsan ahay muhiimadda uu dadka u leeyahay in la ilaaliyo sharafta iyo qaddaasadda guurka, xilli su’aal la gelinayo anshaxa dadka maanta nool,” ayuu yiri Howard.

Ilaa 6 gobol oo kale ayaa ku dhaqma xeerka ”guri duminta”, waxaana ka mid ah Hawaii, Illinois, New Mexico, Mississippi, South Dakota, iyo Utah.

Hadalsame Media