Baaris lagu bilaabay xildhibaanno ku eedaysan inay haystaan laba dhalasho (Magacyadooda)

0

(Nairobi) 06 Okt 2019 – Ugu yaraan 10 xildhibaan ayaa waayi kara labada dhalasho ee ay haystaan, kaddib markii ay Hay’adda Anshaxa iyo la Dagaallanka Musuqu (EACC) ay baaritaan bilowday.

Madaxa Hay’addan ee Twalib Mbarak ayaa ku dhawaaqay in la baari doono ilaa 10 xildhibaan oo fadhiya xafiisyo dadwayne, kaddib markii uu arrintan soo jeediyay gayfane la yiraahdo Okiya Omutatah.

“EACC waxay bilowday baaris si ay u xaqiijiso eedahan dadka haysta dhalashooyinka shisheeye si loo eego in la jebiyo Cutubta 6-aad ee Dastuurka dalka,” ayuu yiri Mr Mbarak oo war soo saaray.

Xildhibaannada lagu dheggan yahay oo ay Soomaali badani ku jirto waxaa ka mid ah Aden Barre Duale, Yusuf Hassan, Safia Abdi. Adan Haji Ali, Mohammed Dahir Duale, Mohammed Garane, Charles Ngusya Nguna, Jane Kihara, Ledama Ole Kina, iyo Susan Kihika.

Xildhibaannadan ayaa halis ugu jira in xilalka laga xayuubiyo haddii ay ku cadaato inay xeerkaa jebiyeen.

Hadalsame Media