SEDDAX RIYO: Ceebla waxay dusha u ridatey culayskii aabbeheed ka geeriyoodey!

0

(Hadalsame) 05 Okt 2019 – Bil ayey hadda xoghayn ka ahayd xafiiska Maamulaha. Waa 19 jir aan jaamacad u gudbin oo markay dhammaysay dugsigii sare go’aansatay inay dhabarka u ridato culayskii uu aabaheed ka geeriyooday oo reerka masaariif u doonto. Waxay u weyn tahay saddex gabdhood iyo wiil hadda 12 sano u buuxsameen.

Ceebla’ welwel iyo rajo ayey ku dhex nooshahay. Inay maalin gurigii ku noqoto oo hooyadeed u sheegto in shaqadii ka dhammaatay, oo aan bisha soo socota masaariif reerku haysan waa ka welweshaa.

In shaqadu u sii socoto oo ay maalin gaarto iyadoo walaalaheed waxbarashadii dhammeeyeen oo iyagu isku filnaadeenna waa ku rajo weyn tahay.

Maamuluhu wuxuu u arkaa inay tahay cad bisil oo isaga hor yaal oo inuu goosto ay ka xigto keliya intuu gacanta u qaadayo. Aamusnaanteeda badan, iyo inay hadalkeeda iyo waqtigeeda ku koobto wax shaqada la xiriira keliya, wuxuu u arkaa gidaar aan xoog lahayn oo ay isaga kaga gabbanayso.

hoosta iska yiraahdaa waa maalmo yar inta gidaarkaasu jabi doono waayo qaar badan oo iyada ka aamus badan ayaan aamuskoodii waxba u tarin.

Subixii inta ay shaqada isu diyaarinayso, hooyadeed isha kama qaaddo oo weliba markay baxdo ilaa ay la wareegto dariiq fog way sii eegtaa oo waxay ugu ducaysaa in Ilaahay sharka ka xijaabo.

Waxay u aragtaa in Ceebla’ tahay, Ilaahay ka dib, xarig reerka ceel ugu jira oo aan la’aantiis noloshu socon karin. Way og tahay hooyadeed in gabar da’daas ah oo cidla u baxday iyadoon weli nolosha dhibkeeda iyo godadka khiyaamo baran, ay khatar ugu jirto bahalo aan naxariis lahayn.

Ha yeeshee culayska nolosha iyo agoonta ay korsato ayey uga fursan weydey inay sidaas yeesho. Inay mar gabadha ka saarto shaqada oo waxbarasho ku celiso waa riyo ay qabto laakiin sidii ay ku heli lahayd aanay aqoon.

Ceebla’, hooyadeed iyo maamuluhu midba wuxuu leeyahay riyo. Waa saddex riyo oo kala duwan, kala nadiifsan kalana hawl badan.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media