Beesha caalamka oo siyaasad cusub ku wajahaysa Somalia (Isbeddel aragtiyeed)

0

(Hadalsame) 05 Okt 2019 – Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire Ben Fender oo ku hadlaayo magaca beesha caalamka wuxuu yiri: “ Shirkii Caalamka iyo Soomaaliya aan wada yeelanay wuxuu ahaa mid lagu guuleestay, waxaan isku raacnay In si wada jir ah aanu uga wad shaqeeyno sanadka dame arimaha ayka mid yihiin kobcinta dhaqaalaha tasoo loo mari doono cafinta deentii Soomaaliya hore loogu lahaa, xoojinta amaanka, dib u habaynta meelaha u baahan is badal. Dhanka siyaasadda waxaan isku raacnay dhamaystirka sharciyada doorashadda iyo dib u eegista dastuurka” ayuu yiri Danjire Fender.

MARKA AAD FASIRTO LUUGADDA DIBLOMAASIGA MUXUU HADALKANI KU TUSAYAAA?

Marka hore waa inaan isla fahanaa inay jirto luugad u gaar ah diplomacyada, tasoo inta badan dadka aanan baran ayku adagtahay inay fahmaan ula jeedadda hadalka iyo siyaasada dahsoon ee ka dambeeysa.

Hadaba Hadalka safiirka waa mid ka turjinaayo siyaasadda caalamka ee ku aadan dalka Soomaaliya, wuxuu hadalkaani hor dhac u yahay isbadal siyaasadeed ee ku yimid caalamka taageera dalka Soomaaliya, markii hore waxay siyaasadooda ahayd In si wada jiray loo taageero dowlad goboleedyadda iyo dowladda dhexe, hadase Waxaan hadalkaan ka dareemi kartaa inay siyaasadaas la badalay oo hada loo soo jeestay In la xoojiyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, hoosna loo dhigo awoodii Dowlad goboleedyada dalka ka jira, taas waxaa daliil u ah inaan marnaba lees weeydiinin yaa maqan yaa joogo oo qo’aan la gaaray oo aan marna la soo hadal qadin mucaaradka.

Sida Arintaan u muuqato waxaa la doonayaa in dowladda dhexe la xoojiyo si maamulka dowladnimo uu u gaaro dalka, tasoo ah awooda maamul goboleedyada hoos loo dhigaayo.

Mahadsanidiin.

Waxaa Diyaariyay: Sheekh Nuur A Qaasim

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa qoraaga ku saxiixan

Hadalsame Media