AGTAADAY SOO RAAMSATAA: 33% waxay dumarku RAGGA ula ballamaan inay cunaan CASHO bilaash ah (Daraasad)

0

(Hadalsame) 05 Okt 2019 – Cilmi baarayaal ayaa soo saaray daraasad dhigaysa in 33% haweenka ka tirsani ay ragga ula ballamaan sidii ay ku cuni lahaayeen cunto lacag la’aan ah, taasoo ka dhigan in haween badani aanay isu soo naashnaashin inay ninkaa la yeeshaan xiriir caashaq oo cumqi dheer, sida daraasadda ku xusan.

Daraasaddan oo ay fulisey Society for Personality and Social Psychology, ayaa sheegaysa in haween badani ay doonayaan oo qura inay kaliya la casheeyaan nin aanay caashaq u qabin, si ay cuntadaa bilaashka ah u cunaan.

Waxay haween badani istraatijiyaddan dhaqan geliyaan marka ay shiidka yihiin, isla markaana ay doonayaan cunto carfaysa oo si wanaagsan loo kariyay, balse aanay shilin ka bixinaynin.

Cilmi baarayaasha  ayaa waraystay 820 haween ah, kuwaasoo 23% ka tirsani ay caadi u qirteen inay yihiin “injir” jaqda ragga dagan. Qaybta 2-aad waa 327 haween ah, kuwaasoo 33% ka mid ihi sheegeen inay diyaar u yihiin inay nin ula ballamaan qado bilaash ah darteed.

Brian Collisson, Jennifer Howell, iyo Trista Harig ayaase sheegtay in dumarka dhaqamadan caddaystay ay muujiyeen inay qabaan buktooyinka nafsaaniga ah ee psychopathy, Machiavellianism iyo narcissism kuwaasoo loogu yeero ”SEDDAXDA MADOOW”, kuwaasoo keena inuu qofku noqdo anaani tiisa raacde ah oo dadka rakaateeya, ku danaysta isla markaana khiyaana.

Hadalsame Media