”6 askari ayaan iska dilney dayuuradna waa iska ridney!!” – Ciidanka Cirka Hindiya oo qirtay arrin ceeb ah

0

(New Delhi) 05 Okt 2019 – Taliyaha Ciidanka Cirka Hindiya ayaa qirtay in ay isla iyagu soo rideen dayuurad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay Hindiya leedahay, taasoo ay gantaal ku dhufteen xilligii uu socdey dagaalkii koobnaa ee ay Pakistan la galeen bishii Febraayo.

Taliyahan dhowaanta la magacaabay ee Marshal Rakesh Bhadauria ayaa warkan ku dhawaaqay shalay Jimcihii, isagoo sheegay in ay halkaa ku dhinteen dhamaanba 6-dii qofood ee saarnaa, dayuuradda oo dul haadaysey Degmada Budgam ee Kashmiir.

”Waxaa haatan la xaqiijiyay in dayuurad helakabtar ah uu qabsaday gantaalkeennu. Laba sarkaal baana arrintaa looga qaadayaa tillaabo anshax marin ah.”

“Waxaan qiranaynaa inuu khalad wayni dhacay, tillaabooyinka daruuriga ahna waa la qaaday si aanu khaladkan oo kale dib ugu dhicin,” ayuu yiri taliyuhu.

Hadalsame Media