”Weligay Muwaadin Soomaaliyeed ma ahayn mana noqon doono!” – Aadan Barre Ducaale

0

(Nairobi) 04 Okt 2019 – Hoggaanka Aqlabiyadda Baarlamanka Kenya ee Aadan Barre Ducaale ayaa meesha ka saaray inuu wada haysto laba dhalasho oo Soomaali iyo Kenyan ah.

Ducaale ayaa maanta oo Khamiis ah ku nuux nuuxsaday in aanu abid qaadanin dhalasho aan ahayn midda Kenya, welibana aanu abidkii doonayn wax aan Kenya ahayn.

Warka Ducaale ayaa jawaab u ahaa baaris ay bilowday Hay’adda Anashaxa iyo La Dagaallanka Musuqa ee dalkaasi Kenya ee EACC iyadoo ku doodaysa in dadka qaarkood oo laba dhalasho haystaa ay ka hor imanayso xeerka qiyamka iyo hoggaanka.

Madaxa EACC ee Twalib Mbarak ayaa hoosta ka xarriiqay inay tillaabo qaadayaan, waxaana ka mid ah in xilka laga xayuubiyo qofkii lagu arko inuu xeerkaa ku tuntay.

Ducaale ayaa yiri: “Anigu waxaan ahay nin ku faanaya Keenyaannimadiisa, mana lihi laba dhalasho weligayna ma yeelan doono. Mimi ni Mkenya kwa damu na daima nitazidi kuwa Mkenya”.

Ducaale ayaa dhanka kale sheegay in arrintani ay tahay rakaato isaga ka dhan ah kaddib markii sida uu sheegay uu diidey inuu ansixiyo Mwende Mwinzi oo loo magacaabi lahaa Danjiraha Kenya ee South Korea.

Arrintan ayaa imanaysa jeer uu Ducaale xitaa ku weji go’ay Somalia kaddib markii uu xitaa gaarey inuu Baarlamanka Kenya keeno mooshin soo jeedinaya in ay Kenya awood ciidan u adeegsato Somalia, iyadoo ay dad badan soo jeediyaan in Ducaale ay u roonayd inuu ugu yaraan arrintan ka aamuso, maadaama Somalia awood lihi ay istaraatiji ahaan anfacayso Soomaali kasta oo dunida meel uga nool.

Hadalsame Media