Waxaa jirta hal MEEL oo lagaga KHALDAN yahay ragga lagu shaabbadeeyay inay ”BAD GATEEN”

0

(Hadalsame) 04 Okt 2019 – Majirto caddeyn loo hayo in Badda Soomaaliyeed Keenya laga gaday, qiime la kala siistay iyo qof lagu hayo in lacago looga buuxiyay shandado oo lagu markhaati furi karo, mana jirto cid soo istaagtay oo tidhi annagaa ka marag ah.

Waa marka Ilaahay laga baqo ee meel la iska dhigo qof diidka, masibadaada iyo been abuurka lagu shaambadaynayo qof gaara oo lagaga soo horjeedo siyaasaddiisa.

Hayeeshee Khubarada iyo garyaqaannada Soomaalidu waxay qeexayaan, in is afgaradkii labada dal dhexmaray uu ahaa baraarug ay Soomaaliya ku ogaatay halka ay wax marayaan, sababtoo ah 1977 ayay ahayd markii ugu horreysay ee ay Kenya baddeenna ku sheegatay, una gudbisay maxkamadda waraaqaha ay ku sheeganayso dhul badeedka Soomaaliya, markale ayay gudbisay 1991 iyo 2005, iyadoo aanay ka warqabin dowlad Soomaaliyeed, ama aynu dowlad la’aan ahayn, waxaase is afagaradka dambe lagu ogaaday in hore ay Kenyaatigu u sheegteen dhul badeedkeenna.

Cabdiraxmaan C/shakuur arrinta aad baa loogu dacaayadeeyey, loogu ximiyay looguna xumeeyay, wuxuuse kamid ahaa dowlad iyo xukuumad ogaatay halka wax marayaan, haddii isfgaradka lagu siray oo wax aanay fahamsanayn saxeexeenna, waa ay laashay oo waxba kama jiraan kasoo qaadday, islamarkaana bilwoday halganka loogu jiro burinta danaha Kenya. Haddii wuxu tuuganimo ahaayeenna ma aanay soo bandhigeen xaqiiqdii, qofna kama suurtowdo inuu bad iska gato xaqiiqdii.

Cabdiraxmaan iyo xisbigiisuba waxay caddeeyeen inay dowladda Soomaaliyeed ku garab taaganyihiin sida ay u maamulayso arrinta badda, taageero buuxda iyo is garab taag ayaa uu muujiyay, lagama hayo intaas Puntland madaxdeeda, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland na ha sheegin.

Sidaas oo ay tahay waxaa badan muwaadiniin qaba in Cabdiraxmaan khatar ku yahay dowladnimada Soomaalida, aragtidaas inay gaabis tahay ayaan qabaa, waayo maaha shakhsi hubeysan, mana aha nin kamid ahaa qabqableyaal isbaaroolayaal ah oo dadka jidgooyo u dhigan jiray iyo nin dagaal sokeeye kasoo qayb qaatay. Waxaan hadal iyo dood ahayn ma dhaafsana arrinta Cabdiraxmaan, xaqiiqduse waxay tahay in ay isaga utaallo sida uu hadlayo, maadaama uu dood wax ku doonayo, oo aanu qori wax ku raadinayn, isaga ayuu wax tarayaa hadalkiisu, waxna u dhimayaa, waxaase mudan dagaal lagu qaado kuwa bannaystay dilka iyo dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee argagixisada ah.

Doodda ayaa dirirta dhaanta.

Waxaa Qoray: Khaliif Faarax Xayir

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media