Somaliland oo sheegtay inay ka qaybgelayso caleemo saarka Aadan Madoobe (Afar Arrimood oo ay eedi karto)

0

(Hargaysa) 04 Okt 2019 – Nin la yiraahdo Naasir Cali Shire oo ka tirsan Baarlamanka Somaliland ayaa sheegay in 3 xildhibaan oo ay laba ka socoto Golaha Guurtida, midna ka socdo Golaha Wakiillada oo isaga ihi ay u amba bixi doonaan magaalada Kismaayo si ay uga qayb galaan munaasabadda caleemo saarka ah ee uu qabsanayo Axmed Madoobe oo sheegay inuu ku guulaystey doorashada Jubbaland.

Arrintan ayay dad badani ka falceliyeen, iyadoo mar qura diraysa dhowr ishaaro iyo caqabado hor socda ama daba socda.

1 – DF Somalia waxay awood u leedahay inay hubiso wixii u socda magaalada Kismaayo, taasoo u sahlaysa inay xannibaad kusoo rogto wefdigaasi.

2 – Haddii ay Somaliland xafladdaa ka qayb gasho waxay muujinaysaa laba ISHAARO oo aan sina u waafaqaynin siyaasadaha Somaliland iyo Axmed Madoobe.

A) Somaliland waxay u ekaanaysaa mid kusii milmaysa siyaasadda koonfurta taasoo ka dhigaysa maamul-goboleed ku fac ah, waana moowqif ka duwan midkii ay 28 sano ku doodaysay.

B) Axmed Madoobe waxaa loo arkayaa nin halis ku ah midnimada Somalia, haddii uu ku faraq xirto Somaliland oo ah maamul sheegta inuu ka go’ay Somalia inteeda kale, waloow aanay cidina aqoonsan.

3 – Axmed Madoobe haatan wuxuu u muuqdaa inuu siyaasad ahaan go’doonsan yahay, maadaama ay haatan sii xoogaysanayso saamaynta DF Somalia oo soo koobtay siyaasadihii madaxda maamullada ee u kala ordi jirey gobollada deriska, mararka qaar dowladda farta ugu yeeri jirey inta gadaal ka maraan dalal shisheeye.

4 – Arrintani waxay DF Somalia iyadana u sahlaysaa inay faragelin dhiirran ku sameeyso Somaliland, iyadoo leh galaangal iyo mudnaan (leverage) ka badan midda ay heli karto Somaliland, maadaama ay tahay dowladda weli sharciyan loo aqoonsan yahay inay ka taliso Somalia.

Wax kasta waqtiga ayaa sheegi doona, waa se arrin ka fikiris badan u baahan.

Tifaftiraha Hadalsame Media

 

 

Facebook Comments