Maxay tahay ujeeddada ka dambaysa inay Kenya codsato in SANAD dib loo riixo dacwadda badda?! (Arag aqligan)

0

(Hadalsame) 04 Okt 2019 – Maxkamadda ICJ ayaa u yeertey Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kaddib markii ay sidaa codsatey Kenya.

Dowladda Kenya ayaa dooneysa in muddo Sannad ah dib loo dhigo dacwada kala dhaxeysa Soomaaliya ee Badda ay sheeganayso.

Ujeedka Kenya ee dib u dhigista muddo sannad ah ay tahay iyadoo dooneysa in Xukuumadda uu hoggaamiyo Farmaajo meesha ka baxdo maadaama ay sannad u harsan tahay si ay ula xaajooto Xukuumadda soo socota.

Itoobiya ayaa rajo ka qabta inay hesho siyaasiyiin ay dareensan tahay inay siday doonto ka heli karto haddii ay qabtaan xilka ugu sarreeya Somalia, taasoo nasiib darro u muuqata mid ay shacabka Soomaaliyeed si wanaagsan ugu baraarugsan yihiin ishana ugu hayaan.

Kenya ayaa horraanba mar dib u dhigtay dacwadda badda, taasoo dhici lahayd horraantii Sebtembar, balse dib loo riixay ilaa 4-ta Nofeembar, ha yeeshee, Kenya oo markastaba og inaysan lahayn waxa ay sheeganayso ayaa ciyaaraysa xeelad dib u dhigaal (delay tactic), si ay u lug jiiddoo kiiskeeda oo ku dhisan aragtida ”ku qabso ku qadi mayside”, balse Somalia hadda waa soo jeeddaa.

Waxaa Diyaariyay: Amiin Khasaaro & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media