LABA GELIN NOLOLEED: Khaliil Rafati, Derbijiif, daroogiiste kaddibna taajir doollar iyo duunyo haysta (Cashar ka baro)

0

(Hadalsame) 04 Okt 2019 – Sawirka bidix waa Khaliil Rafati sanadku waa 2003, da’diisu waa 33 jir, waa daroogiiste aad u isticmaala ‘cocaine iyo heroin’ waa derbi jiif, miisaankiisu waa 49kg, jidhkiisa waxa qariyey nabaro, waxa la xidhay marar badan oo aan la soo koobi karin, sawirkan waxa la qaaday ka hor intii aanu isku deyin in uu isku dilo markii sagaalaad irbad heroin ah oo tan dhaaf ah.

Sawirka midig waa Khaliil Rafati sanadku waa 2018, da’diisu waa 48 jir, waa millionair, waa isboortiyahan, waa ninka qoray buuga ‘I Forgot To Die’, waa ninka iska leh shirkada ‘SunLife Organics’ ee sameysa cabitaanada iyo cuntooyinka caafimaadka u wanaagsan oo alaabta ay iibisaa ay ka badan tahay toban malyan oo doolar sanadkii.

Adiga ayaa sabab u ah wax kasta oo khalkhal galinaya noloshaada, adiga ayaa cadaw ku ah noloshaada, adiga ayaaba ah cadawgaaga ugu xun, waa adiga oo keliya qofka hayaa dhamaan furayaasha nasiibkaaga.
Jimce wanaagsan.

Waxaa Diyaariyay: Inj. Askar Yuusuf

Hadalsame Media

Facebook Comments