Dowladda MW Farmaajo, Dowladdii Xasan Sheekh, horta kelmadahani SAX ma yihiin?!

0

(Hadalsame) 04 Okt 2019 – SIXITAAN: Waxaan markasta arkaa dad qoraya DOWLADDII FARMAAJO, XASAN SHEEKH, DOWLADDII HEBEL IWM, waxay sharci ahaan ku habboon tahay in la yiraahdo XUKUUMADDA HEBEL, maadaama uu Madaxwaynuhu RW doorto isna uu xukuumad dhiso, sidaa darteed, ay xukuumadda tahay waxa ay tahay in isaga lagula xisaabtamo, illeen Garsoorka, Booliiska, Xoogga Dalka iyo Sharci Dejintu waa hay’ado iyaguna dowladdii ka tirsan mana aha wax ay tahay inuu Madaxwaynuhu saamayn toos ah ku yeesho marka sharciga la raacayo.

Balse dowladdu waa hannaan markasta jiraya, xitaa maalmaha doorashada lagu jiro, madaxwaynuhu is casilo, dhinto ama la gole joojiyo ama doorasho deg deg ah lagu dhawaaqo dowladdu waa hay’aadka aanay shaqadoodu marna joogsanayn, wax kastoo dhaca.

Marka ma jirto dowlad hebel leeyahay ee waxaa jirta dowlad ay Somalia leedahay, ee dadku sidaa ha u bartaan, weliba marka wax laga eego wajhatu nadarka Soomaalida inta badan dadku dowladda waa shakhsiyeeyaan oo waxay ka dhex arkaan qofka xukumaya, waana bilowgiiba burburka keenay.

Madaxda sare laftooda ayaa laga doonayaa inay taa gartaan oo shacabka baraan inaanay dowladdu iyaga ahayne ay tahay nidaamka guud ee dalka ka jira, sidoo kale waa in la joojiyaa waxyaabo badan oo ku saabsan siyaasiga markaa xukunka haya, sida heeso isaga loo sameeyo, xaflado buraanbur ah oo loo qabto iwm, taasoo ka mid ah waxyaabaha dadka ka jeedinaya inay fahmaan danta guud ee ay wadaagaan, balse dowladnimada u fahamsiinaysa bac khafiif uu nin iska wato.

Booska heesaha loo qaadayo madaxda, sawirradooda boorarka qaaliga ah laga samaynayo, soo dhowaynta iyo sii dhowaynta waqti iyo xoolaba lagu bixinayo hallagu bedelo in dadka lagu dhiirriyo wax anfacaya danta guud ee iyaga ka dhexeeysa, isla markaana dalkooda wax badan laga baraa.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media