DF Somalia oo gaashaanka u daruurtay dalabkii Kenya ee dib u dhigista dacwadda badda

0

(Hague) 04 Okt 2019 – Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaweyd shaacisay in ay diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee horyaala maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.iyadoo xarunta maxkamadda ay ku suganyihiin masuuliyiin sare oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka waxaa uu sheegay in maxkamadu ay dhageystay madaxdii ka socotay dalka kenya ka dibna la dhageystay madaxda Soomaaliya ka socday waxaana warkan goor dhaweyd uu ka sheegay Telefishanka Qaranka soomaaliya.

Kenya ayaa aad u doonaysa in Maxkamadda dib loo dhigo illaa Bisha September Sannadka 2020-ka iyadoo dowladda Soomaaliya ay diidan tahay, kuna adkeysaneysa inay dhacdo waqtigii loo qorsheeyay ee ah 4-ta bisha November ee Sannadkan 2019-ka.

Maxkamadda caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunka ICJ ayaa la filayaa in go’aan kama dambeys ah ka gaarto dhageysiga dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa Diyaariyay: Cabdullaahi Colombo

Hadalsame Media