Britain oo codsan doonto in loo kordhiyo mudada Brexit

0

(London) 04 Okt 2019 – RW Britain ee Boris Johnson ayaa la sheegay inuu aqbalay in loo kordhiyo oo dib loo riixo waqtiga la dhaqan gelinayo Xeerka 50.

Boris ayaa aqbalay inuu tillaabadan qaado haddii uu ku fashilmo inuu heshiis la gaaro Midowga Yurub 19-ka bishan Oktoobar, sida ay Maxkamad Scottish ah u sheegeen qareennada dowladda ku khilaafsan Brexit bilaa heshiis ah.

Dokumentiyo ay dowladdu Maxkamaddan u gudbiyeen ayaa muujinaya inuu RW Johnson uu codsan doono in waqtiga loo kordhiyo – tiiyoo uu ku adkaysto in aanu marna dib u dhigayn Brexit.

Britain ayaa loo qabtay 31-ka Oktoobar hadddii uu ka baxayo MY.

Hadalsame Media