Xil. Mahad Salaad oo u RIYAAQAY tillaabo ay qaadday DF Somalia

0

(Muqdisho) 03 Okt 2019 – DF Somalia ayaa soo saartay ogaysiis cusub oo ay ku qoranayso ciidamo cusub oo ka mid noqda Booliiska Soomaaliyeed, taasoo ay sheegeen inay qayb ka tahay dhismaha ku socda hay’adihii dowladeed ee dagaallada ku burburay.

Waxyaabaha xusidda mudan ayaa waxaa ka mid ah in ciidamadan cusub ee la qorayo la hordhigo shuruudo badan oo lagu xaqiijinayo fayaqabka jireed iyo midka maskaxeed ee askariga oo qabanaya howl u baahan mas’uuliyad iyo qiyam sugan.

Waxaa shuruudaha ka mid ah in uu qofku ugu yaraan ka baxay Dugsi Sare, inuusan dembi gelin, inuu dhererkiisu dhexdhexaad yahay (1.70cm) iyo inuu jiro 18-25 sano, yeelkeede, midda ugu muhiimsani waa in aanu QAADKA cunin.

Shuruuddaas ayaa soo jiidatey xildhibaanka Mahad Salaad oo bartiisa Facebook kusoo qoray sidatan: ”Madoonaysaa inaad Police noqoto? Shuruudaha laga doonayo qofka noqonaya Booliska ayaa la soo bandghigay. Dhamaan waa muhiim, waxaase isoo jiitay in uusan Qaadka cunin.”

Hadalsame Media

Facebook Comments