RW Abiy Axmed oo arrin ay Soomaalidu ku JABTAY uga digey qoowmiyaddiisa Oromada

0

(Addis Ababa) 03 Okt 2019 – Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku boorriyay xisbiyada Oromada in ay midoobaan si ay danta Oromada uga shaqeeyaan.

Abiy oo ka hadlayay kulanka asxaabta Oromada ee ka dhacay gobalka Oromia ayaa tilmaamay in lasoo afjaro waxyaabaha ay kooxaha Oromadu isku diiddan yihiin ama iskaga soo horjeedaan.

Abiy ayaa doonaya in Oromadu u midoowdo doorashada guud ee dalka Itoobiya ka qabsoomaysa sanadda 2020.

Oromada oo ah qoowmiyada ugu badan Itoobiya muddo dheerna ka qatanayd xilalka sare ee dalka oo ay isku koobi jireen qoowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega ayaa ahaa kuwo kala daadsan, balse markii uu xafiiska yimi Abiy Ahmed waxaa muuqanaya isku soo dhawaansho, waloow ay weli dabada hayaan axsaab fara badan oo keeni kara inay codadkoodu qaybsamaan.

Soomaalida ay Itoobiya maamusho ayaa sidaas oo kale iyaguna u eeda kala daadsanaan iyo qaybsanaan dhexdooda ah, taasoo keentay in ay markasta baylah u noqdaan xukunka qoowmiyaadka kale.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre