NAQDIN: Qareenno reer Hargaysa ah oo qaab ”sharci darro ah” shaqadoodii loo hakiyay (Akhri sababta)

0

(Hargaysa) 03 Okt 2019 – Warqaddani waa warqad ka soo baxday Maxkamad. Galdaloolooyin badan baa se ka muuqda.

Waa marka koowaadee; waxa qaldan erey bixinta ujeeddada, oo ruqsad Qareen lama xayiro ee waa la Hakiyaa ama waa la Laalaa, sida ku cad qodobka 14-aad ee XEERKA QARREENADA (Xeer L/r. 30/2004).

Waa marka labaadee; iyada oo warqaddani ka soo baxday hay’ad garsoor ayaanu haddana garsooraha ku saxeexan, oo weliba ah Guddoomiyaha Maxakamadda Racfaanka ee Gobolku hal qodob oo sharci ah cuskan ama se dalliishan.

Waa ta saddexaade; Maxkamaddu ma laha awood ay Qareen (Lawyer) ruqsadda kaga hakin karto ama kaga laali karto, oo hanaanka Qareenka loo anshax marinaayo, looga hakinaayo ama looga laalaayo ruqsadiisa qareenimo Xeerka Qareenada ayaa caddeeyay, oo guddi Xeerku abuuray oo la yidhaahdo Guddida Ruqsad-bixinta iyo Anshax-marinta Qareenada ayaa jira oo awooddaas maxkamaddu maroorsatay iska leh.

Ceeb weynbay garsoorka Soomaaliland ku tahay In warqadan oo kale ka soo baxdo, sababta oo ah waxa ay baal marsan tahay sharciga. Haddaba maxaa keeni kara In Garsoorku talaabada noocan oo kale ah qaado! Waxay ila tahay In ay laba midkood tahay uun tahay: In loo badheedhay talaabadan qayru-sharciga ah iyo In garsooraha warqaddan ku saxiixan aqoon la’aani ka hayso sharciga iyo fahankiisa. Labada arrimoodba ma cuntami karaan oo weydiin baa ay reebayaan. Maxay tahay weyiintaasi?.

Ma lagu kalsoonaan karaa garsoorka sidaa badheedhka ah sharciga u cuyubaaya? Iyo sidee qof aan aqoon iyo fahan u lahayn qaanuunku ku noqday garsooraha ugu sarreeya Maxkamadda Racfaanka Hargeysa, ilayn aqoon la’aan baa ka muuqata warqaddane?!

Waxaa Diyaariyay: Sharci Yaqaan Maxamed Cali-ruush

Hadalsame Media