DHEGEYSO: Shaqooyinka LACAG QABASHADA ama kaasayeeriga oo hoos u dhac ku yimid, sababta?

0

(Stockholm) 03 Okt 2019 – Shaqaalaha ka shaqeeya lacag qabashada ama kaasayeeriga ayaa 30% hoos u dhacay afartii sanadood ee ugu dambeeyay, iyagoo horraan gaarayay 7,000 balse haatan ah 5,000 oo shaqaale, sida ku cad sahan ay samaysay iskaashatada shaqaalaha ganacsiga ee Handels.

Dubravka Stanojevic oo muddo dheer khasnad haye ahayd ayaa walaac ka muujinaysa arrintan. – Markii aan halkan ka shaqa bilaabay, khasnajiyiintu waxay u dhexeeyeen 80 ilaa 100 qof, maanta se waa 20 ilaa 25. Markii la eego 25 sano kahor waxaan lahayn 25 khasnadood. Maanta waxaan leennahay 40 meelood oo lacagaha lagu qabto, 6 qura ayayna dad caadi ihi ka shaqeeyaan – 34-ka kale waa otomaatik iyagu is wada, ayay tiri.

Sida muuqata waxaa aad u yaraanaya dadka ka shaqeeya kaasooyinka waxaana inta badan ugu wacan dhaqan gelinta hannaanka makiinadaha is wada, halkaasoo ay macaamiil badani iskood isu maamuli karaan marka ay timaaddo lacag bixinta.

Waxaana shaqaalahan sii yaraanaya laga dareemi karaa dhamaanba qaybaha tafaariiqda sida uu qabo Stefan Carlén, oo ah madaxa baarista ee ururka shaqaalaha ganacsiga, waloow uu dhanka kale sheegay in hab-nololeedka cusub ee dhijitaalka ihi uu laftiisu abuuray shaqooyin kale sida dadka dhanka IT-ga ka shaqeeya cillad bixinta makiinadahan otomaatigga ah.

– Waxaa imanaya shaqooyin cusub taasoo ku xiran abuurista habkan dhijitaalka ah, iyo sidoo kale cillad bixinta iyo dayactirka makiinadahan, hadda weli waa jiraan dad ka shaqeeya kaasooyinka, balse inay shaqooyinkoodu sii yaraadaan waa mid sii socon doonta, ayuu yiri.

Khasnad hayaha Nancy Abedel Daim oo shaqada noocan ah kusoo jirtey muddo 20 sanadood ah, ayaa sheegtay in ay tahay qof asal raac ah sidaa darteed ay dareensan tahay in makiinadahan otomaatigga ihi ay dadka gelinayaan diiqad ama kadeed iyo tayada adeeg oo hoos u dhacda, iyadoo qabta in macmiilka iyo qofka caawinayaba ay u roon tahay wada shaqayntu oo ay sida wanaag nafsi ah ku dareemaan.

Hadalsame Media